Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:Maxbuuskii ugu waqtiga dheeraa Ameerika oo Jeelka ku qaatay 68 sanadood

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin:Maxbuuskii ugu waqtiga dheeraa Ameerika oo Jeelka ku qaatay 68 sanadood

Joe Ligon
Joe Ligon ayaa 15 jir ahaa markii uu xabsiga galay waxaana ugu dambayntii la soo daayay isagoo 83 jir ah

“Maxbuuskii ugu waqtiga dheeraa” Ameerika ayaa dhawaan ka soo baxay xabsiga isagoo nin xora ah. Joe Ligon ayaa waxa uu BBCda qeybta dibadaha la hadasha kala hadlay sida uu xabsiga ugu soo qaatay ku dhawaad 70 sanadood, sababta uu mudada dheer u sugayay xorriyaddiisa, iyo qaabka uu doonayo inuu ku qaato maalmaha nolosha uga harsan.

“Weligay kali ma aanan noqon, haddana kali umbaan ahaa. Waxaan doorbidaa inaan kaligay ahaado intii karaankayga ah. Markaan xabsiga ku jiray, waqtigaas oo dhan waxaan kaligay ku jiri jiray qol, marka la i xiraayay illaa la iga soo sii daayay.

“Arrintaas waxa ay caawinaysaa dadka aniga oo kale ah, kuwaas oo doonaya inay kali ahaadaan – qofka noocaas ah ayaan ahaa, markaan qolka xabsiga galana albaabka ayaa xiran jiray, oo wax walba oo dhacay maanan arki jirin oo maanan maqli jirin. Markii naloo ogolaaday inaan gudaha xabsiga ku haysanno raadiye iyo taleefishin – wehelkayga ayey noqdeen.”

Joe Ligon
Joe Ligon went to prison at 15 and was finally released aged 83

Malaha waaba sax in illaa xad la yiraahdo nolosha xabsiga ayuuba ku wanaagsanaa Joe Ligon. Waxa ay u ogolaatay in madaxiisa uu raariciyo, afkiisa uu xirto, dhibkana uu iska ilaaliyo – dhammaan casharradaas, oo uu sheegay, inuu ku bartay 68 sanadood oo uu xabsiga ku jiray.

Markii la gaaray waqtigii uu howlgabka ku noqon lahaa xabsigiisa, dhibba kuma aanay hayn oo cid kale oo u timid ma aanay jirin. Dhab ahaantii wehel kale muusan rabin arrintaasna waxa ay aheyd dookhiisa gaarka ah.

“Gudaha xabsiga wax saaxiib ah kumaan lahayn. Bannaankana saaxiib kumaan lahayn. Balse inta badan dadka ay howsha naga dhaxaysay… waxaan ula dhaqmi jiray sida saaxiibaday oo kale. Xaalkuna wuu iska daganaa, waanan isku wanaagsanayn,” ayuu yiri.

“Hasayeeshee ma adeegsado erayga saaxiib, waxaan bartay macnaha kalmaddaas ay u leedahay qof aniga oo kale ah. Dad badan ayaa waxa ay sheegaan in [haddii aad tahay] saaxiib… waxaa suuragal ah inaad khalad wayn samaysid.”

Philadelphia, 1950s
Ligon horraantii 1950-meeyadii waxa uu usoo guuray Philadelphia

Ligon, ayaa iska go’aansaday inuu si kali ah u noolaado. Markii uu ku soo korayay halkii ay daganaayeen awoowyaalkii ee Birmingham, Alabama, saaxiibo badan ma uusan lahayn oo inta badan waxa uu waqtiga la qaadan jiray qoyskiisa, sida Axadaha oo kale waxa ay wadajir u daawan jireen wacdiga awoowgii uu ka jeedin jiray kaniisad halkaas ku taalay.

Waxa uu 13 jir markii uu ka soo guuray koonfurta shishe oo uu usoo wareegay Philadelphia si uu ugu noolaado xaafadda dadka ladan ay deggan yihiin halkaas oo uu kula noolaa hooyadii oo kalkaaliso aheyd, aabihii oo makaaniko ahaa, walaalkii iyo walaashii ka yar. Iskuulkii ayaa ku adkaaday oo waxba muusan qori karin mana akhrin karin. Ciyaaraha muusan dheeli jirin saaxiibadana noloshiisa wax badan kuma lahayn.

Joe Ligon with his dad
Ligon aabihii waxa uu ahaa makaanik hooyadiina kalkaaliso
1px transparent line

Markii Ligon “uu dhibaatada faraha la galay” fiid Jimco ah 1953, maba uusan aqoon dadka uu waqtigaas la socday. Dad uu kor ka yaqaanay ayuu la kulmay xilli ay xaafadda dhex wareegayeen, waxa ay garaaceen dadka kale ee khamraynayay.

Dib ayuu u gurtay. Hasayeeshee waxa uu ogolyahay in habeenkaas ay dad kala duwan tooriyeeyeen arrintaas oo uu ku lug lahaa, taas oo aheyd qulqulato ay ku dhinteen laba qof lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Todobaadkaas, ninkaas oo 15-jir markaas ahaa waxaa lagu soo dacweeyay inuu dil gaystay – eeddaas oo uu waligiisba iska fogayn jiray walow markii dambe uu wareysi uu siiyay warbaahinta Mareykanka ee PBS uu ku aqbalay inuu laba qof tooriyeeyay kuwaas oo badbaaday waxa uuse muujiyay sida uu arrintaas uga xun yahay.

“Booliska ayaa waxa ay bilaabeen inay na siiyaan bayaanno aan saxiixnay, arrintaas ayaa dilka igu riixday. Qofna anigu maan dilin.”

South Philadelphia
Qoyska Ligon ayaa waxa ay ku noolaayeen koonfurta Philadelphia, halkaas oo caadiyan ay dagaan dadka shaqeeya ee magaalada

Pennsylvania ayaa ka mid ah lix gobol oo Mareykanka ku yaal oo xabsi daa’imku aanan la cafin karin. Ligon ayaa haddaba waxa uu wajahay dhagaysiga dacwadda dambiile, markaas oo uu aqbalay xogta dhabta ah ee kiiska, xaakimkii ayaana ku helay dambiga ah laba xaaladood oo dil toos ah.

Wiilkaas dhalinyarada ah ayaanan joogin maxkamadda si uu u maqlo xabsiga cimrigaa ha ku furta ah ee aan cafiska lahayn ee lagu riday – waqtigaas oo ay caadi aheyd in xukun noocaas ah la rido. Hasayeeshee xabsiga ayuu galay asagoon ogayn inta sanadood ee lagu xukumay – mana aanay kusoo dhici inuu qof waydiiyo.

“Xitaa ma aanan garanayn wax aan dadka waydiiyo. Waan ogahay inay adag tahay in la rumaysto balse taasi ayaa runta aheyd,” ayuu yiri Ligon. “Waxaan ogaa inaan waqti xabsiga ku qaadan doono, laakiin ma aanan ogayn in inta ka dhiman noloshayda aan xabsiga ku qaadan doono. Xataa weligay ma aanan maqal kalmadaha ‘xabsi daa’im la cafin karo’.

“Waxaan kuu sheegayaa sida uu xaalkeygu u xumaa markii aan carruurta ahaa – waxba ma aanan akhrin karin ama qori karin, xitaa magacayga ma aanan yeerin karayn. Waxaan ogaa uun in magacayga uu Joe yahay, sababtoo ah inta aan xasuusto isagaa la iigu yeeri jiray.”

“Waxa ay ku toosinayaan 6-da aroornimo, iyagoo leh, ‘kaca waa la idin tirinayaa, qofwalba, waxaa la joogaa waqtigii la istirin jiray’… 7-da subaxnimo waa waqtiga quraacda, 8-da subaxnimo waa waqtiga shaqada.”

Ligon ayaa mararka qaar waxa uu ka shaqeyn jiray jikada iyo qolka dharka lagu dhaqo, hasayeeshee inta badan nadaafadda ayuu qaabilsanaa. Markii la qadeeyo kaddibna, shaqadiisa ayuu hore ka gali jiray. Habeenkii ayuu howshaas ka bixi jiray markaas oo markii uu casheeyo maalinku sidaas ugu idlaan jiray – nolosha xabsiga ayaa weli sidaas uun iska ah halka dunida ay tobannaankii sanadood ee la soo dhaafay ay aad isu badashay.

US Supreme Court building
Qareen Bradley S Bridge ayaa ku dhiiraday inuu bal eego kiiska Ligon kaddib markii Maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka ay xukuntay suuragalnimada in maxaabiista mudada dheer xiran aanan la dilin

53 sanadood markii uu xabsiga ku jiray, ayaa Ligon waxaa loo sheegay in qareen uu doonayo inuu arko. Iyadoo ay dhiirigalisay xukunkii Maxkamadda ugu saraysa ee Mareykanka ee 2005 kaas oo ahaa in dadka mudada dheer ku jiray xabsiyada ay suuragal tahay inaanan la dilin, ayaa Bradley S Bridge waxa uu bilaabay inuu bal eego malaha waxa noqon kara arrin sharciyeed ee wayn ee xigi karta: waa maxaabiista mudada dheer xirnaa ee aan cafiska lahayn.

Waqtigaas, Pennsylvania waxaa ku xirnaa 525 maxbuus oo xaalado noocaas oo kale u xirnaa, taas oo ah midda ugu sarraysa Mareykanka, sida uu sheegay Bridge. Philadelphia waxaa ku xirnaa 325 – Ligon-na waxa uu ahaa maxbuuska ugu mudada dheeraa. Kaaliyaha difaacayay ninkaas ayaa waxa uu soo qabanqaabiyay kulankooda.

Bradley S Bridge and Joe Ligon
Ligon ayaa marwalba ku niyad samaa in la sii dayn doono, qareenkiisa Bridge ayaa sidaasi sheegay

Ligon shirkaasi waxa uu u ahaa mid uu indhaha ku kala qaaday. Markii Bridge uu tusiyay nuqulka heerka racfaanka xukunkiisa, waxa ay u aheyd Ligon markii ugu horraysay ee uu ogaaday nooca xukunka xabsiga lagu riday.

“Waxaan xaqiiqsaday in si xun la iila dhaqmay laga soo bilaabo markii la I soo qabtay. Waxaana la ii sheegay oo aan ogaaday inay dastuurka ka hor imaanayso in canug yar lagu xukumo xabsigaas oo weliba aanan cafis lahayn.”

Walow Ligon uusan shaki uga jirin rajada ah suuragalnimada inuu xabsiga maalin uun uu ka bixi doono, shan iyo tobanka sanadood ee soo socda ayuu haddaba qaatay go’aanno ay adag tahay in la fahmo: waxa uu iska diiday fursado lagu sii daynayo sababtoo ah waxa ay ku timid waxa uu ugu yeerayo “aakhirka nolosha”.

“Guddiga Cafiska ayaa waxa ay isoo booqdeen laba jeer. Inaan cafiskaas aqbalana waxa uu ka dhigi lahaa in si degdeg ah sanado ka hor aan ku soo baxo,” ayuu leeyahay. “[Hasayeeshee haddii aan fursaddaas heli lahaa] waxaan inta ka dhiman noloshayda ku jiri lahaa waqtiga tijaabada kiiskaygana muusan gaari lahayn in la I cafiyo. Haddii marka kiiskayga uu halkaas gaari lahaa dhibaato iguma ahaan lahayn. Hasayeeshee taasi waa waxa aan ka dhaga adeegayay.”

2016-kii, Maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka ayaa waxa ay xukuntay in dhammaan carruurta xabsi daa’imka lagu xukumay in dib loo xukumo. Sanadkii xigay, Ligon ayaa waxaa dib loogu xukumay 35 sanadood, taas oo ka dhigan inuu dalban karo cafis waqtiga uu xabsiga ku soo qaatay awadeed. Bridge ayaa waxa uu ku booriyay inuu sidaas sameyo hasayeeshee waa uu diiday.

Joe Ligon
Ligon ayaa sheegay in siyaabo badan ula qabsanayo dunida aadka isku badashay

Bridge ayaa sidaas daraadeed waxaa qasab ku noqotay inuu loolan galiyo 2017-kii ugu dambayntiina waxa uu kiiska geeyay maxkamad federaal ah, halkaas oo bishii Nofeembar 2020, xaakimka ayaa ninkaas dacwaddii u xukumay. Markii Bridge uu tagay Deegaanka Montgomery si uu Ligon xabsiga uga soo bixiyo 11-kii Febraayo, waxa uu la kulmay maxbuuskii hore oo iska deggan.

“‘Yaa Ilaahi’ waxaan filayay dareen intaas ka xooggan. Hasayeeshee arrintaas maba aanan ka arag. Waxba kama aanay muuqan.”

Ligon waxa uu dhab ahaantii sameeyay waxa uu tobannaankii sanadood samaynayay: oo waxa uu qababa isagaa isku kali yeelayay. Muddo bil ah kaddib markii la sii daayay, waxa uu dib u xasuusanayaa maalintii uu ka soo baxay xabsiga gobolka ee Phoenix isagoo aad u yaaban.

“Waaba sida anigoo markale dib u dhashay. Sababtoo ah waxkasta waa ay igu cusbaayeen – wax walba waa ay isbadaleen, war wax walba waa ay igu cusbaayeen.

“Waxaan eegaa qaar ka mid ah gawaaridaas cusub – gawaaridu isku naqshaq maba aha kuwii aan garanayay markii aan bannaanka joogay sanadahaas badan ka hor. Dabaqyada dhaadheer ayaan eegaa… ma aanay jirin dabaqyo sidaas u dheerdheer, sida kuwan igu xeeran.

“Waxaas oo dhan waa ay igu cusub yihiin,” ayuu yiri, isagoo gacmaha sidaas hawada ugu seeraya. “Haatanse waan la qabsanayaa. Waanan ka helayba, tani waa wax I farxadgalinaya – tani waa sida ay aheyd in xaalkeygu uu noqdo.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this