Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil & Ciidan kasoo Goostay Maamul-goboleedka Puntland oo isu soo dhiibay S/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil & Ciidan kasoo Goostay Maamul-goboleedka Puntland oo isu soo dhiibay S/land

26694611_2019226484760768_743047004_n.jp

 

 

Taliyaha ciidanka qaranka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool ayaa qaabilay saraakiil iyo ciidan ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Sareeye guuto Cali Bare Xuseen oo u waramaayay Warbaahinta ayaa sheegay in iyo saraakiishaas iyo ciidankaas kas oo goostay maamulka Puntland ee Soomaaliya tiradoodu gaadhayso tobaneeyo, kuwaas oo sitay saanadoodii milatari.

Cali Bare Xuseen Taliyaha ciiidanka qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay un ciidankaas ay ku qaabileen degaanka Goojo-cadde ee gobolka Sool, waxaanuu taliye Cali Bare ciidankaas ku soo dhaweeyay dalkooda hooyo, waxaanuu intaas ku daray in ciidankaas la marin doono nidaamka u yaala ciidanka qaranka Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this