Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare xooggan gaystay oo ka dhacay nawaaxiga Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay in degaan ka tirsan degmadaas uu qarax kula kacay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah halkaas oo khasaare xooggan ka dhashay.

Gaariga oo noociisa lagu sheegay Bas ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeday degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada dhexe sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Qaraxa ayaa gaariga kula kacay degaan lagu magacaabo Gololey oo ka tirsan degmada Balcad waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ilaa 10 ruux tiro kalena waa ku dhaawacantay sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ayaan weli si rasmiya loo xaqiijin.

PUNTLAND POST

The post Qarax khasaare xooggan gaystay oo ka dhacay nawaaxiga Balcad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this