Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ay isugu imaan lahaayeen DF iyo Dowlad Goboleedyada oo mar kale baaqday maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta la filayay in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni, balse ilo ku dhaw ayaa sheegaya ineysan muuqan arintaan.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheegtay in wadahadalladii socday ay burbureen halka labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ay inkireen warka ay dowladda faafisay, waxaana xigay in beesha caalamka ay ku baaqday in dib loogu soo laabto teendhada.

Maanta ayaa la filayay iney madaxda dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni isla markaana ay sii wadaan wadahallada dhexdooda ah, kana arrinsadaan sidii la isugu imaan lahaa shir weyne looga heshiinayo hanaanka doorashooyinka.

Si kastaba wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka dhawaajiyay in shirka burburay isla markaana ay labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland yahiin kuwa jid iyo jiho diid ah.

Dhanka kale Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay ineysan ogeyn meel uu ku baaqday shirka, isla markaana ay diyaar u yahiin wakhti walba iney dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo xulafadiisa ayaa la rumeysan yahay inay mar hore go,aan ka gaareen ka qeybgalka shirkii ka socday Afisyooni, mana jirto ififaalo muujinayo in mar kale shir la isugu imaan karo.

The post Shir ay isugu imaan lahaayeen DF iyo Dowlad Goboleedyada oo mar kale baaqday maanta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this