Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga fahmay waraaqdii ay DF u dirtay Qaramada Midoobay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ka koobneyd dhawr qodob ah u dirtay Qaramada Midoobay waxeyna kaga hadashay faragalin la sheegay iney beesha caalamka ka imaaneyso, halka ay qodobada ka mid ahaayeen in si farsamo ah Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble loogu wareejiyay amniga doorashada.

Warqaddii ay dowladda dirtay siyaabo kale duwan ayaa loo fahmay iyadoo dadka siyaasadda ka hadla ay waxyaabo dhawr ah ku sifeeyeen.

Warqadda ay Dowladda u dirtay Qaramada Midoobay ayaa lagu fasiray inay ka turjumeyso rabitaanka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ah inuu dalka ka qabto doorasho aan loo dhameyn isla markaasna aysan heshiis ku aheyn dhinacyada Siyaasadda.

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa aad ula yaabay warqadii ka timid Villa Soomaaliya xilli ay sugayeen iney teendhada kusoo celiyaan madaxda Soomaalida, balse warqadda dowladda ayaa loo fahmay inay xirtay wadahadal dambe oo lala galo Axmed Madoobe iyo Deni.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxaa miiska u saaran in laga wada hadlo awoodaha madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday, amniga guud ee dalka iyo ka qeybgalka shirarka ee saamileyda siyaasadda.

Filashada laga qabo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay ayaa sii yaraaneysa, waxaana muuqata in hogaamiyayaasha Soomaalida uu qof walba ku dhagan yahay qodobadiisa.

Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana beesha caalamka si weyn ugu cel-celisay ineysan ogolaan doonin doorasho hal dhinac ah, kuwa isbarbar socda iyo muddo kororsi intaba.

Waxaa muuqata in madaxda Soomaalida aysan wax tanaasul ah ka muuqan, taasna waxey dheereyn kartaa rajada laga qabo iney dhacdo doorasho la wada ogol yahay.

The post Maxaa laga fahmay waraaqdii ay DF u dirtay Qaramada Midoobay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this