Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin cajiib ahaa oo noloshiisuna ay cajiib ahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin cajiib ahaa oo noloshiisuna ay cajiib ahayd

The Queen & Prince Philip at the Tower of London's poppy installation Nov 2014
Marka la joogo meelaha fagaareyaasha ah, Prince Philip mar walba wuxuu ku jiray kaalinta labaad

Wuxuu kasoo haray ku dhawaad dhammaan dadkii yaqaannay oo laga yaabi lahaa inay sharraxaad ka bixiyaan noloshiisa.

Sidaas darteed waxaa noo soo haray oo kaliya labadiisa dhinac ee mid uu ahaa qof kaftan badan iyo mid uu ahaa qof sheegay hadallo siyaasadeed oo khaldan.

Maadaama uu geeriyooday waxay dad badan dib u eegi doonaan noloshiisa. Sababtoo ah wuxuu ahaa nin cajiib ah oo noloshiisuna ay ahayd cajiib. Wuxuu noloshiisa inteedii badneyd kusoo qaatay qarnigii 20-aad ee lasoo maray isku dhacyada iyo jahawareerka badan.

Wuxuu ahaa nin ay adag tahay in la fahmo, caqli badan, gudahana ka ahaa qof madaale ah.

Hooyadiis iyo aabihiis waxay ku kulmeen aaskii Boqorad Victoria oo dhacay 1901. Xilligaas oo dalalka Yurub dhammaan marka laga reebo afar waddan ay boqortooyo ahaayeen, qaraabadiisu waxay ku kala firirsanaayeen boqortooyooyinka Yurub.

Qaar ka mid ah boqortooyooyinkaas waxaa tirtiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka; laakiin dunidii uu ku dhashay Philip waxay ahayd mel ay wali boqortooyo caadi ka ahayd.

Awowgiis wuxuu ahaa boqorkii Giriigga; hooyadiisna waxay ahayd gabadha ay ayeeyada u tahay Boqorad Victoria.

Afartiisa walaalo ee gabdhaha ah oo ka wada weynaa waxaa dhammaantood guursaday rag Jarmal ah. Markii uu Philip u dagaallamayay ciidamada badda ee Britain, saddex ka mid ah gabdhaha walaalihiis ah waxay taageerayeen Naasigii Jarmalka; midna laguma casuumin guurkiisii.

Markii nabadda la helay, dhaqaalihiina uu soo kabsaday, Philip wuxuu qayb ka noqday dib u dhiskii Britain, isagoo waddanka ku boorrinayay inuu la qabsado habab seyniska la xiriira, wuxuuna la yimid fikradaha warshadaha, qorsheynta, waxbarashada iyo tababarka.

Prince Philip age one
Markii uu jiray 18 bilood, qoyskiisa waxaa lagu khasbay inay dalkooda ka cararaan
Prince Philip in 1935
Carruurnimadiisii ayuu si deg deg ah ugu bartay in uu kaligiis isku tiirsanaado

Wuxuu cashirro badan ka qaatay tobankii sano ee ugu horreysay noloshiisa kaddibna wuxuu kusii adkaaday iskuulka. Sannadihii ugu horreeyay noloshiisa waxaa ku taagnaa su’aalo badan, maadaama dalkii uu u dhashay laga soo eryay. Qoyskiisa waxay ku noolaayeen waddanka dibaddiisa, waligiisna ma uusan fursad u helin inuu la noolaado.

Isagoo hal sano jira ayaay kala burbureen qoyskiisa, waxaana loo qaaday Talyaaniga kaddib markii aabihiis lagu xukumay ciqaab dhimasho ah. Mid ka mid ah safarradii ugu horreeyay ee caalami ah wuxuu Philip ku qaatay sagxadda tareen ka qaaday magaalo ku taalla Talyaaniga.

Markii uu ku sugnaa magaalada Paris wuxuu la noolaa qoys ay qaraabo yihiin; balse halkaas uma aysan noqonin hoygiisa mustaqbalka.

Hal sano uun kaddib, isagoo ku jira iskuul ku yaalla Britain, waxaa sii xumaaday xaaladda dhimirka ee hooyadiis oo magangalyo u joogtay halkaas. Aabihiis, Prince Andrew wuxuu aaday Monte Carlo si uu ula noolaado haweeney saaxiibaddiis ahyad. Gabdhihii walaalihiis ahaana waxaa lagu guursaday oo ay ku noolaayeen Jarmalka.

Toban sano gudahood wuxuu ka gudbay darajadii ahayd Amiirka Grigiigga wuxuuna noqday wiil aan waxba ka war qabin oo hoy la’aan ah, cid xannaaneysana aan heysanin.

“Uma maleynayo inuu qofna ku fikiri jiray inaan aabbe leeyahay,” ayuu mar yidhi isagoo la wareysanayo. Andrew wuxuu geeriyooday intii uu dagaalka socday. Philip wuxuu tagay magaalada Monte Carlo si uu uga soo qaato alaabtii aabbihiis kaddib markii Jarmalka laga saaray Faransiiska. Halkaas waxa uguma uusan tagin marka laga reebo dhowr sheey oo dhar ah.

Kaddib waxaa la geeyay iskuul uu jecleystay casharrada nolosha ee uu ka qaatay, inkastoo wiilkiisa Charles uu marka dambe iskuulkaas aad u nacay.

Prince Philip during his naval days
Prince Philip wuxuu ka mid noqday labo xiddig;leyaashii ugu da’da yaraa ee uu yeeshay ciidanka badda Britain
1px transparent line
The Queen and Duke of Edinburgh taking photographs during their visit to the South Sea Islands of Tuvalu
Laakiin wuxuu ku khasbanaa inuu xirfaddiisa ka tago si uu u garab istaago boqoradda
Prince Philip with his family
Amiirka Edinburgh carruurtiisa looma oggolaanin inay qaataan magaca qoyskiisa, Mountbatten

Mid ka mid ah mowduucyada ugu waaweyn ee ku saabsan noloshiisa waxaa ka mid ah in Amiirka Edinburgh carruurtiisa loo oggolaanin inay qaataan magaca qoyskiisa, Mountbatten

Arrintaas ayaa laga yaabaa inay saameynta ugu badan ku yeelatay fikirka Philip ee nolosha iyo sida uu doonayay inay noqoto noloshiisa.

Waxaa laga dheehanayay khudbadihii uu waayadii dambe jeediyay.

Sidaasoo ay tahay, wuxuu kaalinta koowaad uga jiray ciidanka badda ee Britain, markii dmabena wuxuu ahaa qofka ugu muhiimsan boqortooyada, marka laga soo tago boqoradda. Shaqada ciidanka badda waxay xiriir qota dheer la lahayd qoyska Philip.

The Duke of Edinburgh, in uniform of the Admiral of the Fleet, sits at the wheel of the nuclear-powered submarine HMS Churchill
Shaqada ciidanka badda waxay xiriir qota dheer la lahayd qoyska Philip. Markan wuxuu ku sawiran yahay markab uu ku xiran yahay qalabka nucliyeerka oo lagu magacaabi jiray HMS Churchill
Prince Philip gives a speech at a luncheon
Prince Philip wuxuu sanad walba bixin jiray inta u dhaxeysa 60 ilaa 80 khudbadood
1px transparent line
Prince Philip and the Queen with one of their dogs

1px transparent line

Ayeeyadiis dhinaca hooyada ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee darajada ugu sarreysa ka gaaray ciidanka badda.

Phlip markii hore wuxuu doonayay in uu ku biiro Ciidamada Cirka ee Boqortooyada laakiin qoyska hooyadiis ayaa lahaa dhaqan ku safridda badda ah sidaas awgeedna wuxuu tababar ka billaabay macadka ciidamada badda Britain ee Britannia Royal Naval, oo ku yaalla Dartmouth.

Isagoo ku sugan Dartmouth sanadkii 1939-kii, xilli uu dagaalka aad usii xoogeystay, ciidanka badda ayuu ku hamminayay. Badda lafteeda ayuu jacayl u qaaday.

“Baddu waa wax aad jeclaan karto oo qayrul-caadi ah,” ayuu yidhi mar.

Markii uu boqro George VI booqday dugsiga tababarka ciidanka badda, isagoo uu wehlinayay Philip abtigiis, wuxuu waardiye uga dhigay gabadhiisa Princess Elizabeth.

Sida laga soo xigtay goob jooge, Amiir Philib si wanaagsan ayuu uga soo baxay shaqadiisa. Laakiin kulankaas wuxuu aad u cajabiyay Amiirad Elizabeth oo ahayd 13 jir.

Philip si dhakhso ah ayuu u caddeeyay in mustaqbalkiisa uu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna heerka ugu sarreeya ka galay fasalkiisa bishii January ee sanadkii 1940-kii, wuxuuna markii ugu horreysay nasiib u yeeshay in uu ficil militari ku arko Badweynha Hindiya.

Prince Philip with his uncle, Admiral of the Fleet, Earl Mountbatten of Burma at the Royal Marines Barracks in Eastney near Portsmouth in 1965
Prince Philip iyo abitigiis, Earl Mountbatten, oo ku sugan xarunta ciidanka badda boqortooyada sanadkii 1965
1px transparent line
The Queen, with one of the Royal corgis, chats with polo-playing Prince Philip at Windsor Great Park
Boqoradda oo la sheekeysaneysa Prince Philip oo ciyaaraya
1px transparent line
Engagement picture of Prince Philip and Princess Elizabeth
Faraanti galiskooda wuxuu dhacay July 1947

Miyuu ogaa in aysan isku meel gali karin shaqadiisa iyo jacaylkiisa? Oo aysan suuragal ahayn in badda iyo haweeneyda quruxda badan uu isku wada helo?

In muddo ah, arooskooda kaddib sanadkii 1978-kii, wuu isku heystay labadaba. Iyagoo aroos cusub ah ayay isla joogeen Jasiiradda Malta.

Laakiin xanuunkii iyo dhimashadii xigtay ee Boqor George VI ayaa soo afjartay riyadiisii ahayd inuu isku haysto baddii uu jeclaa iyo xaaskiisa.

The Duke of Edinburgh with a miniature canoe from Manus, New Guinea, in 1957
Prince Philip wuxuu fuliyay boqollaal mashruuc oo khuseeyay dhalinyarada iyo ciyaaraha
Prince Philip on a boat in 1977
Queen Elizabeth II and the Duke of Edinburgh proceed through the Royal Gallery ahead of the State Opening of Parliament, 2016
Prince Philip wuxuu gacan ka geystay in boqortooyadu ay taagnaato

Wuu ogaa sida ay xaaladdu noqoneysay islamarkii geerida loo soo sheegayba. Iyagoo ku sugan hoteel ku yaalla Kenya, xilli ay booqasho ku marayeen Afrika, ayuu Philip xaaskiisa Princess Elizabeth ku wargaliyay geerida aabbeheed, taasoo iyada ka dhigeysay boqoradda.

Dunidiisii waxay isbaddashay maalintaas wixii ka dambeeyay. Qof saaxiib la ah ayaa goor dambe marxaladdaas ku qeexay in Amiir Philip uu u muuqday Qof dusha laga saaray “kala bar ka mid ah adduunka”.

lixdankii sano ee xigay ilaa hadda wuxuu garab taagnaa boqoradda oo uu taageero buuxda siinayay.

The Royal Family on the balcony at Buckingham Palace

Intii uu howlaha boqortooyada hayay wuxuu fuliyay boqollaal mashruuc oo diiradda lagu saarayay horumarka dhalinyarada iyo ciyaaraha kala duwan.

Wuxuu sidoo kale ka qayb qaadanayay maamulka gudaha ee qoyska boqortooyada iyo qasrigooda.

The Duke of Edinburgh (left) and the Prince of Wales, during a visit to Poundbury, a new urban development on the edge of Dorchester, October 2016
His relationship with his eldest son improved in later years

Prince Philip (10 June 1921 – April 2021)

Amiir Philip, Amiirka Edinburgh, waxa uu ahaa nin fikirkiisu awood lahaa oo madaxbannaanaa, waxa uuna bartanka uga dhex jiray bulshada reer Britain.

Waxa uu ahaa hoggaamiye dabiici ah oo doorkiisu uu mar walba ku khasbayay inuu qaato booska labaad; wuxuuna ahaa nin dabeecaddiisu ay adkeyd balse ku guuleystay in uu dadaal adag kaddib meel la fariisto waxyaabaha xasaasiga ahaa ee ku saabsanaa doorkiisa.

Prince Philip with The Queen in 2007 taken to mark their 60th wedding anniversary

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this