Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Dharka naqshadeeya oo si khaldan u isticmaalay Sawirka Masaajid Caana+5-arrimood oo ku saabsan Masaajidkaa & Halku ku yaallo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Dharka naqshadeeya oo si khaldan u isticmaalay Sawirka Masaajid Caana+5-arrimood oo ku saabsan Masaajidkaa & Halku ku yaallo

Masaajidka Riyaadha
Masaajidka Riyaadha

Nin naqshadeeya dharka oo u dhashay Mareykanka ayaa raali gelin ka bixiyay kadib markii uu funaanad u naqshadeeyay fanaanka caanka ah ee Jay-Z, waxaana funaanadda ka muuqday sawirka masaajidka Riyaadha ee ku yaalla Laamu.

Culimada masaajidka waxay dhawaan sheegeen in aysan ogoleyn in sawirka masaajidka lagu xardho funaanad laga yaabo inay ku dambeyso baararka.

Culimada ayaa soo dhaweeyay raali gelinta uu ka bixiyay ninkii funaanadda naqshadeeyay.

Ninka dharka naqshadeeya oo lagu magacaabo Zeddi Loki wuxuu sheegay in sawirka uu uga dan lahaa in muuqaalka magaalada Lamu uu dunida u bandhigo.

Magaalada Lamu ayaa ah magaalo taariikhi ah, waxayna ku jirtaa diiwaanka meelaha ha’yadda Qaramada Midoobey ee dhaqanka iyo tacliinta ee UNESCP ay u aqoonsatay inay kamid yihiin goobaha taarikhiga ah.

Watch and learn more about the iconic #Lamu Riyadha Mosque on Jay Z’s t-shirt and the man behind it 👉🏾 https://t.co/a9x0YMrhyJ#TETE #HabibSwaleh pic.twitter.com/iyIq9H2Zv0

— Omar Kibulanga (@OmarKibulanga) April 3, 2021

Qarnigii 19-aad, masaajidka Riyaadha wuxuu kamid ahaa gobihii loo dalxiis tegi jiray.

Waxaa masaajidka ku xardhan qoraallo muujinayo in masaajidka uu jiray tan iyo 1837, wuxuuna kamid yahay xarumaha ugu da’da weyn ee lagu barto diinta Islaamka ee bariga Afrika.

Abu Bakar Badawi oo ah xoghayaha guud ee masaajidka Riyaadh ayaa sheegay in dad badan ay ka caroodeen tallaabada uu qaaday ninkan dharka naqshadeeya.

Wuxuu sheegay in dadka qaar ay u maleeyeen in maamulka masaajidka uu wax ka ogaa in funaanadda loo naqshadeeyay fanaanka uu kasoo muuqdo sawirka masaajidka.

.

Shan arrimood oo ku saabsan masaajidka Riyaadha

Wuxuu kamid yahay goobaha ugu qaddiimsan Bariga Afrika ee lagu barto diinta Islaamka

Waxaa masaajidka ku xardhan qoraallo muujinayo in uu jiray tan iyo sanadkii 1837.

Wuxuu kamid yahay masaajidka meelaha ugu soo jiidashada badan ee Lamu.

Waana meelaha sida weyn loogu xuso dabaaldegga mowliidka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this