Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska AMISOM oo damaanad qaaday amniga Teendhada Afisyooni

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesco Madeira uu la kulmay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo musharixiinta mucaaradka.

AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku xustay in Francesco Madeira madaxda uu la kulmay ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira ammaanka goobta uu ka dhacayo shirka la filayo in maanta Muqdisho uu ka furmo ee u dhexeeya madaxda dowlada federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Danjire Francesco Madeira ayaa sheegay in ammaanka goobta xeyndaabka AMISOM ee shirka uu ka dhacayo ay si dhameystiran gacanta ugu hayaan ciidamada AMISOM,isla markaana ay damaanad qaadayaan ammaanka guud inta uu shirka socdo iyo marka uu soo dhamaado.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu rajeenayo in hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo saamileyda siyaasadeed oo kaashanaya AMISOM iyo beesha caalamka ay ka soo qeyb gali doonaan shirkaasi.

Ugu danbeyn Francesco Madeira ayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida uga mahad-celiyay sida ay iskuugu raaceen shirkaasi oo muhiim u ah qabsoomidda doorashooyinka dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this