Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmayo Afisyooni

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga ee dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021-ka.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale shirkani ay ka qeyb-geli doonaan madaxdii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ka mid ah musharraxiinta.

Beesha caalamka ayaa garwadeen ka ah wada-hadallada u dhexeeya dhinacyadan oo la doonayo in xal looga gaaro is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo kala guur ah, waxaana dib u dhacay qabsoomida doorashooyinka, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this