Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo si rasmiya u qaaddacday shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhabancad.png?resize=450%2C300&ssl=1Wasiir Dhabancad

Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya u qaaddacday shirka arrimaha doorashada, oo sida qorshaysan maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay qoraal kooban soo saaray, ayaa sheegay in Puntland aysan ka qayb-geli doonin Shirka.

Ma jiro shir Dowladda Puntland og tahay ama ka qaybgalayso oo barri ka dhacaya Mogadishu.” Ayuu yiri wasiirka

Mr Dhabancad, wuxu tilmaamay in la soo qortay ajande aan heshiis lagu ahayn, taasina ay keeni doonto fashil ku yimaada qabsoomidda Shirka.

In shir aan laga heshiin ajandihiisa la qorto waxay horseedi kartaa fashil ku yimaada qabsoomidda shirkii la rajaynayey inuu Xamar ka qabsoomo.”

Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladda Puntland ay rajaynayso in dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ay ku heshiiyaan qabsoomidda doorasho wadar-ogol ah oo si nabdoon ku dhacda.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo si rasmiya u qaaddacday shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this