Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay doonyo jariif ah

Recommended Posts

Deeq A.   
2-7.jpg?resize=720%2C540&ssl=1

Laamaha Amniga Gobolka Gardafuu ee Puntland, ayaa gacanta ku dhigay saddex doonyood oo laga leeyahay waddanka, Yemen kuwaas oo kallluumeysi sharci-darro ah  waday xeebaha Gobolkaas.

Saraakiisha Amniga Gardafuu, ayaa laga soo xigtay in saddexda doonyood aysan xukuumadda Puntland ka haysan rukhsad kalluumeysi, sidaas darteedna ay sharci-darro ku jillaabanayeen.

Doonyahan jariifka ah waxa saaran 45 shaqaale ah, kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu dhigay, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Dowladdu waxay sheegtay in doonyaha iyo shaqaaalaha saaran loo gudbin doono magaalada Boosaaso, kadibna sharciga lagu qaadi doono.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay doonyo jariif ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this