Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg Deg ah :- Maraykanka oo balan qaadey sugida Amaanka Shirka xili uu Shirku qarka u saaraa inuu baaqdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ay helayaan, Safaarada Maraykanka ayaa Masuuliyiinta Shirka Wadatashiga ka qayb galaya u sheegay caawa in Amaanka Shirka Wadatashiga ee lagu wado inuu beri ka furmi Muqdisho ay Maraykanku qayb ka ahaanayaan sugida Amaanka.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu Qoraal ahaan ugu sheegay Beesha Caalamka inuu ka walwalsan yahay Amaanka goobta Shirku ka dhacayo sidaas awgeedna uu ka fiirsanayo ka qaybgalkiisa.

Dhamaan ka qaybgalayaasha waxaa caawa lagu wargaliyey in Amaanka goobta Shirku ka dhacayo iyo kasoo qaybgalayaashaba ay ka shaqaynayaan Amisom oo kaashanayaan Ciidamada Maraykanka oo ay weheliyaan Ciidamo Soomaali ah oo aan ka amarqaadan Dowlada Federaalka kuwasoo caawa laga keenay Balidooglay.

Hadalkaan ayaa yimid xili uu Shirku qarka u saaraa inuu gabi ahaan burburo, dhanka kalena wali hada si rasmi ah looma shaacin xiliga rasmiga ah ee Shirku furmayo

Puntlandi.com Muqdisho

A7F0D5AF-4A8F-4DAC-BEFF-8F73BDDCECD6-780

The post War Deg Deg ah :- Maraykanka oo balan qaadey sugida Amaanka Shirka xili uu Shirku qarka u saaraa inuu baaqdo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this