Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaamacadd SIMAD Oo Markii Ugu Horeeysay Xafladda Qalanjabinta Jaamacadda Ku Qabatay Qaab Online-ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Jaamacadda SIMAD ayaa maanta markii ugu horeysay dalka Soomaaliya ku qabatay Xaflad Qabinjebin oo qaab fogaan arag ah (virtual). Xafladdaan qalinjebinta ee Dufcadda 16-aad ee Jaamacadda SIMAD ayaa qorshaheedu ahaa in lagu qabto Xarunta Dhexe ee Jaamacada SIMAD balse saamaynta iyo dib usoo laba kaclaynta xanuunka caabuqqa COVID-19 dartii ayaa loo bedalay hanaanka hirgelinta xafladda.

Xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Jaamacadda, Maamulka, iyo macalimiinta Jaamacadda iyo dhamaan ardaydii qalinjebinaysay ayaa uga qeybqaatay Xafladda qaab fogaan arag ah. Waxaa xusid mudan in xiriiriyaha munaasabadda uu ku sugnaa dalka Turkiga. Waxaana munaasabadda kalimado ka jeediyey qaar ka mid xubnaha sare ee Jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Ustad Dahir Hassan Abdi, ayaa ugu horayn hambalyo diiran udiray dufcada 16-aad ee ka qalinjabineysay maanta jaamacadda SIMAD isla markaana la wadaagay in go’aanka ku aaddan munaasabadda qalinjebinta uusan aheyn mid si sahlan lagu gaaray balse caafimaadka ardayda iyo waalidiintooda uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Jaamacadda.

Professor Kamal Ubaid ayaa ku hadlay codka Gudiga Sare ee Jaamcadda asiga oo u hanbalyeeyay dufcadda 16-aad ee ka qalinjabineysay maanta jaamacadda.

Sidoo kale munaasabadda waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa oo ugu hambalyeeyey ardayda guusha ay gaareen. Wuxuu sidoo kale xusay in munaasabadda kusoo aadday xili uu caabuqqa koroonavirus soo laba kacleeyey laakiin wadajirka ardayda iyo Jaamacadda ay sahashay in si guul ah looga qabto xafladda.

Ugu dambayn xafladdaan ayaa noqonaysa waa cusub oo u baryey Waxbarashada Sarre ee Soomaaliya kuwaa oo laga doonayey in ay xal la imaadaan xiligaan adag oo Coronvirus uu jiro ayaga oo aanan baajinayn hawlahooda waxbarasho.
Sawirada Xafladda
149244530_2049991141809868_7417568754113 148815839_452340346178693_36003575513717 150468620_246203077080333_39395579972547 150726837_244571497391181_64918208159023 149067508_821374955386772_15018490021302 149031209_266554121505581_17277336047503 149031209_266554121505581_17277336047503 150065084_841955509684602_87089587144489 149974711_872041620301756_76085428999690 150146474_172215831101743_80894688087696

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this