Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya weerarkii kooxda Xuutiyiinta ee dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerar ay Xuutiyiinta Yemen ku qaaday garoonka Abha ee dalka Sacuudiga

Ugu horreyn wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareysay weerarkaasi oo ay tilmaamtay in uusan nabad ka dhalin doonin guud ahaan gobolka.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa xukuumadda Soomaaliya ay ku sheegtay in weerarkaasi uu carqalad ku yahay geeddi-socodka nabadda ee wadanka Yemen.

“Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa beegsiga maleeshiyada Xuutiyiinta ay ku bartilmaameedsadeen garoonka diyaaradaha Abha ee Sacuudi Carabiya, waxayna aaminsan tahay in weerarka argagixiso ee noocan oo kale ah uusan nabad ka dhalin doonin gobolka, laakiin uu carqalad ku yahay geeddi-socodka nabadda ee Yemen oo uu wiiqayo amniga iyo xasilloonida” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lasoo dhigay barta Twitte-rka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga oo dhankeeda shalay ka hadashay weerarkaas ayaa sheegtay inay fashilisay weerar loo adeegsaday gantaal lagu rakibay waxyaabaha qarxa, kaas oo kooxda xuutiyiinta ay ku weerareen garoonka diyaaradaha Abha ee koonfurta dalka Sacuudiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this