Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha ammaanka oo war kasoo saaray xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku baaqay in bartamaha bishan ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada isugu yimaadaan magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray golahani ayaa lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo wadahadallada cusub ee lagu baaqay 15-ka Febraayo.

Warbixintaasi ayaa sidoo kale ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay dib u billaabaan wadaxaajoodka isla markaana ay ka wada shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo ay ka heshiiyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho loo wada dhan yahay.

Go’aankan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo baxay saacado uun kaddib markii maadxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in 15-ka bishan shir kale lagu qabto magaalada Garoowe, shirkaasi oo uu sheegay in uu dhammaystir u noqonayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-Sebteembar 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this