Sign in to follow this  
Nephissa

Fantasy or Realistic?

Recommended Posts

Nephissa   

Hello nomad sisters, here's a piece about a book called "Raaxada Guurka." Hope some of the chosen words of the author is not offensive to any age, religious, or particular group. If so, I appologize in advance.

 

Give your honest opinion.

 

NINKAYGU MUXUU IGA RABAA

MUXUUSE RAALLI KU NOQDAA?

 

Haweeney garoob ah baa beri ii sir warrantay.

Waxay tiri: Markaan guursanayey waxan isweeydiinayey Su'aalahaan soo socda:

 

 

Muxuu ninkaygu iga rabaa?. Maxaan sameeyaa si uu iiga raalli noqdo?. Ma wuxu doonayaa inan ahay qof diinta taqaan oo ku dhaqanta, mise inaan u lebbisto sida gabdhaha gaabsiga loogu tago?. Ma wuxuu doonayaa inaan lebbisto dhar jirkeyga inta ka bannaani ka badantahay inta ka daboolan, mise wuxu rabaa inaan qaato Jilbaab iyo Niqaab?. Ma wuxu doonayaa inaan ahaado qof furfuran oo dadka dhex gasha, mise qof xirxiran oo isaga uun meel ugu xiran?. Ma wuxu doonayaa inaan ahay gabar la koolkooliyey, horteeda loo daayey bad shirtaana aanay jirin, mise inaan ahay qof waayeel ah, deggan, sida hooyadiis u caqli badan?.

 

Muddo markii la'iqabay waxaan billaabay inaan isweydiiyo su'aalo kuwii hore ka duwan:

 

Muxuu ninkeygu isaga kay indhatiraa, dumar kalena u dhugtaa laga yaabo inaan anigu wax badan qurux dhaamo?. Muxuu u kari la'yahay inuu ila fariisto ama meelna ii raaco?. Muxuu waxaan sameeyo wax uga sheegaa, isagoon isaguba naftiisa la xisaabtameyn tiisuna mar waliba la qumantahay?. Kolkaan caadada ka dhaqdo oo uu dhowr habeen ila baashaalo, muxuu iiga xiisa dhacaa?. Inkastoon cuntada ugu fiican u kariyo, guriga nadaafaddiisa ku dadaalo, dharka si yaab leh ugu dhaqo, haddana iima soo jeedo oo wuu igasii jeedaaye maxaa dhacay?

 

Su'aalihii aan isweydiinayey bay tiri, kolkaan guursanayey iyo kedib markaan guri degey, jawaabohoodii waxan ogaaday kedib markaan gurigeeygii gacantayda ku dumiyey oo lay furay. Haddaba waa inay bay tiri dumarka walaalahay ahi tijaabadayda ka faa'iideystaan intay goori goor tahay, intii ay hadhow tooda ka sheekayn lahaayeen sideyda oo kale.

 

Waxan ogaaday (waa siday gabadhu tiriye) in ninku kolka uu xaaskiisa la joogo yahay carruur cagaweyn, uuna jecelyahay inay dumar oo dhan keligeed isku wada tahay. Wuxu jecelyahay:

 

1- Inay hooyadiis uga egtahay xagga degganaanta, caqliga iyo diinta, sideeda oo kalena ay u koolkooliso oo wuxuu doono ugu yeesho.

2- Inay saaxiibtiis ahaato uu dantiisa, duruuftiisa iyo waxyaabo kale oo uusan qof kale oo bina'aadama u sheegan kareyn ayada u sheegto.

3- Inay u ahaato adeegto dhega xiran' oo iyadoo aamusan siduu doono ugu adeegta.

4- Inay u ahaato qof caqli iyo xikmad badan kolka la yiraahdo hala hadlo, wax kasta oo laga hadlayana si cilmiyeeysan aragtideeda uga dhiibata.

5- Inay u ahaato sida dumarka weriyeyaasha ah, kuwa dharka xayeysiiya iyo kuwa aflaanta jila ee aynu maalin kasta Taleefishanka ku aragno, micnaha inay tahay naag qurux badan, lebbis qurxoon, lana socota moodada dharka wixii maalin kasta cusub.

6- Inay u ahaato sida naagaha jirkooda iibiya oo si layaab leh jirkooda u kala dhigdhiga, badeecadoodana usoo bandhiga, si ay macmiishooda usoo jiitaan..

 

Waakaas qaabka uu ninku u fekerayo, maadaama uu ka daalayo kana xiisa dhacayo naag keligeed ah ama qaab gaar ah leh, si gaar ahna u fekerta, si gaar ahna u lebbisata. Wuxuu jecelyahay inay u ahaato dhammaan dumarka aynu soo sheegnay oo laysku dardaray, maalintuu doonana noocuu doono ka helo.

 

Haddaba, haweeneydu ayadoo kaashanaysa dumarnimadeeda waa inay garan kartaa goortuu sidaa inay ahaato ka rabo iyo goortuu sida kale doonayo.Waa inaanay jilbaab usoo xiran habeen uu kululyahay oo uu galmo diyaar u yahay, waase inay usoo xirataa dhar khafiif ah oo layska dhex arkayo, isla markaana ay sidii qof waaya aragnimo iyo xikmad leh ula dooddaa, caqligiisana la hadashaa, rag fara badan baana dumarka caynkaas ahi soo jiitaan.

 

Haweeneydii oo hadalkeedii sii wadataa waxay tiri: waxaan u sheegayaa gabadha walaashay ah in uusan ninkeedu u keenin guriga inay cunto u kariso, dhar u dhaqdo, aqalkana u hagaajiso, oo hadduu intaa keliya rabo, wuxu awoodaa inuu adeegto soo kireeysto. Walaashay, ninkaagu waxa uu kaa doonayaa inuu arko naag intuusan asagu doonan ayadu doonata. Nin kastaa waxa uu jecelyahay inay xaaskiisu waqti kasta diyaar u tahay, doonitaankuna aanu hal dhinac uun ka socon.

 

Haddaba aan khibraddayda ugu deeqo qoysaska isku cusub iyo kuwa mowjaduhu hadba gebi ku ridayaan welise aan bustaha bannaanka isu dhigin. Gabaryahay hadday dhab kaa tahay inaad gurigaaga janno ka dhigatid, gacalkaaga iyo adigana gabow iyo geeri waxaan ahayni idin kala geyn, waanadaydan qaado oo wax ku qabso:

 

1- INDHAHA: Isha ninku waxay haweeneyda ka eegtaa meel ayan iyadu ka maleysanayn. Saa darteed u lebbiso dhar kan ugu qurxoon, shardina ma aha mar kasta inaad lebbisatid dhar qaali ah, ama dhar qaawanaan xiga, sababtoo ah ninku waxa dabeecadihiisa kamid ah inuu wax waliba ka xiisa dhaco markay dhowr jeer kusoo noqnoqdaan. Saa darteed maalinba cayn uga dhig, maalin dharka haweenka gaabsiga meherad ka dhigtaa qaataan oo waxay dedayaan waxay daboolqaadayaan ka badanyihiin, maalin dhar jirkaaga oo dhan astura min madax ilaa majo, sida adiga oo Masjid u socda, maalin dharka ragga, maalin dhar rakhiis ah. Intaa keliya ma aha ee u allif qaabab lebbis oo kala duwan. Sidoo kale waxyaabaha raggu aad u xiiseeyo waxa kamid ah adiga oo beddela qabka timo feerasho, adigoo maalin sheexaysta, maalin gadaal u xira, maalin aafro ka dhigta. Sidoo kale mar timaha gaabsada sidii dhallinyarada cusub, maalin dheereysta oo daaya. Sidoo kale roosetooyinka (Bushimo caseeyaha) aad marsanaysid maalin isku duug oo daamanka, indhaha, iyo wejiga oo dhan casee, maalin khafiif ka dhigo, midab degganna marso amaba mid aan bushimaha laga garanayn. Sidoo kale Bisqin xiirashada, raggu mar waliba wexey jecelyihiin in wax waliba loo beddelo. Mar iska daa ha xiirine ha kugu bexee, dabeetana si kedis ah maalin u jar kana soo saar wax jilicsan oo sida xariirta oo kale ah, qaabab kala duwan u jar, mar sida gammuunka oo kale, marna mid yar oo ku yaal dusha Cambarka, mar kalena wada xiir gebigiis, iwm.

 

2- SANKA: Ninku ma jecla hal nooc oo Barafuun ah, saa darteed waa inaad bedbeddeshaa uduggaaga, barafuunkaad maalin marsatidna ha ku celin maalinta labaad. Mar Barafuun, mar Catar, mar Uunsi, iwm. Xitaa ninku marmar waxa uu jecelyahay inuu uriyo udgoonka dabiiciga ah ee xaaskiisa iyadoon waxba ismarin, waxanaba laga yaabaa in uduggaasi uu kala caraf badnaado barafuun kan ugu qaalisan.

 

3- DHEGAHA: Codka macaan ninku waa uu jecelyahay kolka uu ka maqlayo gidaar ka gadaal (Raadiye, Talefishan, iwm), haddaba ka warran hadduu codkaasi hortiisa ka yeerayo, ayna ugu heeseyso xaaskiisa uu jecelyahay. Saa darteed kula hadal cod macaan oo koolkoolin leh, una qaad mararka qaar heesaha uu jecelyahay. Codka xanta ah ee aad dhegta afka ula saartaana jirkiisa oo dhan wuu dhaqaajiyaa.

 

4- Qaab adiga kuu gaar ah u koolkooli. Tusaale ahaan; kolkuu shaqada ka yimaado asagoo daallan u masaajee oo si raaxa leh ugu daliig, adigoo nal khafiif ah qolka u daaraya, muusiko macaan oo cod gaaban lehna u shidaya amaba adigu si hamham ah ugu heesaya, adaa markaa arki doona isagoo kugu billaabaya istiimin iyo faracayaar, iyo inu isna markiisa kuu masaajeeyo.

 

 

4- Shumiska ka badi. Marka aad jiiftaan, kolkuu tooso, marka uu shaqada aadayo iyo markuu ka yimaado, dhegtana ugu sheeg inaad dharareysid soo laabashadiisa intuu kaa maqanyahayna aad tebeysid.

 

5- Marmar shaqada taleefan ugu dir, una sheeg sida aad ugu hiloowday araggiisa iyo sida aad ugu xiistay codkiisa.

 

6- Ku kedi munaasabadaha muhiimka ah ee maskaxdiisa ka maqan sida; maalintii ugu horreysay eed isbarateen, maalintaad aqalgasheen, maalintii dhalashadiisa, iwm, kedisna uga dhig xaflad yar ood labadiinna oo qurihi kasoo qaybgashaan. Waxaad doonto oo dhar ah markaa soo xiro, sida goonno gaaban, cariiri ah, jirkaaga intiisa badanna laga arkayo. Hadiyad u hibee haba yaraatee. Xitaa hadduu isagu munaasabadda hilmaansan yahay, ha ku eedeyn siduu u hilmaamay ee usheeg sida aadan adigu u illaawi karin munaasabad ceynkaasi ah.

 

7- Guriga nadaafaddiisa iyo gogoshiisa ku dadaal, kana dhig mid ay markasta carafi kasoo kacayso. Dharkiisa mar kasta u diyaari, uunsi uu jecelyahay ugu shid, barafuun ugu bilbil, kabahana u casee oo u nuuri.

 

8-Haddii aad doontid inaad meel saaxiibbadaa u raacdid amaba xitaa ehelkaa, hadduu guriga joog ku yiraahdo ka yeel oo haka hor imaan xanaaq iyo madax adayg ayuunbaa uga kordhaya kahor imaadkaaga eh, ha yeeshee goor dambe si aayar ah u weeydii sababta uu kuugu diiday inaad baxdid.

 

9- U diyaari cuntooyinka uu jecelyahay xitaa haddaanay adiga kuu dhadhamayn, iskuna day inaad usoo iibisid nooca cunto ee uu jecelyahay mar kasta ooy duruuftu kuu saamaxdo.

 

10- Nin kastaa aad ayuu ugu farxaa kolkuu arko inaad waalidkii ixtiraameysid, mashaakilna aadan ku abuureyn, ee isku day inaad isjecleysid waalidkii, gaar ahaan hooyadii, sababtoo ah dumar badan bay dhibaato ba'ani ka dhex taagan tahay iyaga iyo soddohyaalkood. Soddohdaa ixtiraam iskuna day inaad u jeclaatid sida hooyadaa oo kale. Mar kasta ood booqatid madaxa ka dhunko amaba xitaa hadday kula deggantahay. Usoo iibi hadiyadda aad usoo iibisid hooyadaa mid lamid ah, wey ku farxaysaa oo kuu ducaynaysaaye.

 

11- Haddaad aragtid ninkaaga oo murugeysan isku day inaad ka khafiifisid, hadduu kaa diidana si adiga kuu gaar ah ugu koolkooli sidii carruurtii isagaa degayee.

 

12- Suuqa kolkaad wax kasoo iibsanaysid ha ku raaco, dookhiisana iibso, wuxu markaa dareemayaa faan. Ku raac dookhiisa gaar ahaan kolkay arrintu joogto dharka hoosta laga xirto iyo dharka habeenkii xilliga jiifka aad dartii u xiratid. Dooro midabbada uu jecelyahay, mararka qaarna tus dookhaaga iyo dhar aad keligaa soo iibsatay oo ka yaabiya.

 

13- Ugu yeer inuu kula daawado filin jacayl ah oo soo xusuusiya siduu kuugu jeellan yahay, kuna dhaliya inuu kula baashaalo.

 

14- Qaababka galmada isku bedbeddela, iskuna day inaad xishoodka ka guuleysatid, kana codsatid ninkaaga noocyada galmo ee aad ka heshid. Xishoodku waxba kuu kordhin maayo, haddaad xabiibkaaga ka xishootidna ogoow cid kalood u xod sheegan kartaa ma jirtee.

 

15- Kolkaad dooneysid inaad Bisqinta xiiratid, u daa asagu ha kaa xiiree, siduu jecelyahayna ha u xiiree. Waad arki doontaa kolkuu xiiritaanka dhameeyo isagoo galmo doonaya, sababtoo ah intuu xiiritaanka ku jiray oo uu goobaha taranka taataabanayey ayuu gebigii taagmay, adna kolley kama digtoonaan yarid oo diyaar baad markaa tahaye.

 

 

Qore

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this