Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa la dhigay waddada ka baxda isgoyska KM-4 ee aadda dhanka garoonka Aadan Cadde ee sii hor-marta Hotelkii dhowaan la weeraray ee Afriik.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo kale, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxaasi lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo Boolis ah, kaas oo ahaa nooca aysan xabaddu karin, waxaana dhammaan dadka ku waxyeeloobay ay ahaayeen shacab waddada marayey.

Burbur xoog leh ayaa sidoo kale soo gaaray goobo ganacsi oo lagu iibiyo qalabka lagu dayac-tiro gaadiidka ee (SPARE PARTS-ka) kuwaas oo aad ugu dhawaa goobta.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro qaraxyo & dilal, waxaana ugu dambeeyey weerarkii Hotel Afriik.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this