Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Dhuusamareeb Oo Burburay, Wasiir Dubbe Oo Ka Hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dhuusamareeb)-Shirkii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Dhuusamareeb madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul gobolleedyada, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku soo gabagaboobay natiijo la’aan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe oo shir jaraa’id qabtay xalay xilli dambe ayaa sheegay Dubbe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu maanta qudbad uu u jeedinayo golaha baarlamaanka shirkana muddo aan la cayimin la isku soo laabanayo.

Wasiir Dubbe ayaa ku eedeeyay hoggaanka Jubbaland inay diideen dhammaan qodobada xalka u ahaa arrinta Gobolka Gedo, isagoo intaa ku daray inay tuhunsan yihiin inay dalal shisheeye dabada ka riixayaan in aan arrinta si fudud ku dhammaan, kana hortaagan yihiin inay doorashadu dhacdo.

Qodobada shirka ee lagu heshiin waayay ayaa waxaa ka mid ahaa arrinta gobolka Gedo, xildhibaanada Somaliland sheegta iyo guddiyada doorasho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in qudbad uu jeediyo golaha baarlamaanka iyadoo wararku ay sheegayaan in uu Madaxweynuhu ka codsado muddo kordhin maadaama muddo xileedkiisu uu ka hadhsan yahay muddo laba cisho ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this