Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo laayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
11.jpg?resize=779%2C483&ssl=1

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in ay xalay hawlgal qorshaysan ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, oo hoobiyaal ku weeraray Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ciidamada oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyay in ay hawlgalkaa ku dileen 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Gaadiidkii iyo Hubkii ay wateen Kooxdaas.

Hawlgalka ka hor, waxa madaafiic Hoobiyaal ah laga maqlay gudaha Dhuusamareeb, waxaana ku xigay dagaal duleedka magaalada ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kooxda weerarka soo qaaday oo markii dambe la laayay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda oo laayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this