Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr.Maxamed M.Culusow : – Natiijada lama dhaafanka ah ee shirka dhusamareb-4 waa ku dhawaaqidda dhammaadka Xilka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo kala diridda Barlamaanka Federaalka-10.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dr.Maxamed Maxamuud Culusow

3.02.2021

Natiijada lama dhaafanka ah ee shirka dhusamareb-4 waa ku dhawaaqidda dhammaadka Xilka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo kala diridda Barlamaanka Federaalka-10.

Kaddib markii Madaxweyne Farmajo iska dhegatiray muddo dheer dooda, cabashada, dhalliilaha iyo baaqyada la xiriira habka hirgelinta doorashada 2020/2021 oo waqtigii lagu tala galay qabashadeeda la soo dhaafay, Beesha Caalamka waxay Madaxda Soomaaliyeed ku amartay dhawrista 4 shardi.

  1. Inaan la qaban karin doorasho qabyo ah, kala dhantaalan oo ka dhacda DG qaarkood keli ah;
  2. In mucaaradka qabanqaabin doorasho gaar ah oo barbar socota doorashada la rabo in Golaha Wadatashiga Qaranka si wadajir ah u hogaamiyo, beesha caalamkana taagereyso;
  3. Inaan la kicin dagaal, rabshado, iyo isku dhac dhaawaca xasilloonida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya;
  4. In la qabto shir looga wada hadlayo, loogana heshiinayo qodobbada doorashada dadban ee la isku khilaafsan yahay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu colaad iyo kala qaybin ka dhex dhaliyay Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulmiya Madaxweynaha JFS, Madaxweynayaasha DG, iyo Guddoomiyaha Gobolka Benadir. Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uul ka ah hoggaaminta Xukuumadda federaalka waxaa lagu cadaadiyay inuu noqdo buufiyaha dabka iyo hagardaamada Madaxweyne Farmajo. Wararku waxay sheegayaan in diyaaradaha dalka lagu amray af ahaan inaysan Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF Mudane Cabdi Xaashi u soo qaadin Magaalada dhuusamareb si uu ula socdo dooda shirka madaama qodob ka mid ah qodobbada la isku khilaafsan yahay uu ku saabsan yahay doorashada Xildhibannada Soomaliland uu asagu u yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya. Amarka noocaasi ah waa heerka ugu sarreeya ee ku tumashada dastuurka iyo mas’uuliyadda Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Xaashi

Madaxda ka qayb galeysa shirka dhusamareb-4 kama dhexeyso kalsooni iyo is ixtiraam ay uga wada hadlaan hirgelinta doorashada federaalka ee waqtigeeda la soo dhaafay. Madaxweyne Farmajo oo ogsoon ismari-waagga sannadaha socda iyo heerka kalsooni darrada ka dhex jirta Madaxda shirka ka qayb galeysa wuxuu diidan yahay in beesha caalamka si toos ah u soo dhex gasho Madaxda Soomaaliyeed si loo abuuro jawi kalsooni wada hadal, wadashaqeyn, iyo hirgelinta doorasho xor, xalaal, daahfuran, nabad ku dhacda.

Madaxweyne Farmajo wuxuu doonaya muddo kororsi bilo ah, kaddibna noqota sannado. Nabadda iyo horusocodka dalka iyo dadka Soomaaliya waxay ku jirtaa ku dhawaaqidda dhammaadka xilka Madaxweyne Farmajo iyo kala diridda Barlamaanka Federaalka-10.

Afartii sano ee la soo dhaafay, Madaxweyne Farmaajo marna ma muujin xilkasnimo iyo daacadnimo, wadaninimo, iyo ilaalinta dastuurka iyo sharciga dalka, iyo fulinta howlaha hortabyada leh ee dowladdisa laga sugayay. Wuxuu caan ku noqday ku tumashada dastuurka kmg, musuqmaasuq xad dhaaf ah, burburinta midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Xadgudubyada ka dhacay dalka afartii sano ee la soo dhaafay waxay abuureen neceyb iyo rajoxumo baahsan kuwaaso isu beddelaya kacdoon shacbi haddii xilka Madaxweyne Farmajo dhaafo 7 Febraayo 2021.

Waxaan rajeynaya in madaxda ka qayb galeysa shirka dhusamareb-4 aragto dareenka iyo qoraalka ku qoran wejiyada shacabka Soomaaliyeed, kuna heshiiyaan dhammaadka xilka Madaxweyne Farmajo iyo kala diridda Barlamaanka Federaalka -10 oo muddo xileedkiisa dhammaaday 26 Disember 2020. Qabashada doorashada dadban ee lagu heshiiyay 17 Setember 2020 waxaa ka wada xaajoon doona DG, Xukuumad Xilgaarsin ah, iyo Qarammada Midoobay oo ka wakiil ah beesha caalamka.

Dr. Maxamud M Culusow

The post Dr.Maxamed M.Culusow : – Natiijada lama dhaafanka ah ee shirka dhusamareb-4 waa ku dhawaaqidda dhammaadka Xilka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo kala diridda Barlamaanka Federaalka-10. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this