Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. Indha-cadde oo ku baaqay in baaritaan dhamaystiran lagu sameeyo dilkii Gen. Galaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde), oo wareysi siiyay idaacadda kulmiye ee magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyay dilkii Gen. Maxamed Nuur Galaal, oo lagu dilay weerarkii Hotel Afrika.

Gen. Indha-cadde ayaa sheegay in uu tuhun weyn ka qabo, in Al-shabaab aysan dilin marxuum Galaal, balse ay si bareer ah u dileen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee hawlgalka ka waday gudaha Hoteelka.

Wuxu tilmaamay in qaabka loo dilay marxuum Galaal, uu tuhun iyo shaki badan gelinayo cidda dilkiisa fulisay, islamarkaana uu ku baaqayo in baaritaan dhammaystiran lagu sameeyo xaqiiqada ku saabsan dilkiisa.

Sidoo kale, wuxu codsaday in baaritaanka ay si wadajir ah u sameeyaan Qoyskiisa, dad lagu kalsoonyahay iyo dowladda Federaalka, si baaritaankaas u noqdo mid dhammaystiran.

Halkaan ka daawo wareysiga

PUNTLAND POST

The post Gen. Indha-cadde oo ku baaqay in baaritaan dhamaystiran lagu sameeyo dilkii Gen. Galaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this