Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad xoogan oo ka dhacay duleedka Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka magaaladaasi ay ka dhacday is rasaaseyn geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Israsaaseynta oo ka dhacday deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 8 KM dhanka waqooyi kaga beegaan Beledweyne ayaa waxaa ay dhex-martay maleeshiyaad hubeysan.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah waxaa iska hor imaadkaasi ku dhintay  haweeney lagu magacaabi jiray Foos Axmed Barroow, halka uu ku dhaawacmay qof kale

Sidoo kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa sababay dagaalkaasi, waxaana wararka qaar ay sheegayaan  inuu salka ku hayo is qabqabsiga dhul ku yaalla halkaasi.

Laamaha ammaanka ee magaalada Beledweyne weli kama hadlin shaqaaqadaasi, waxaana la sheegay in weli xiisad xoogan ay ka taagan taagan tahay duleedka degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this