Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Shil Ugu Dhintay Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay uu shil gaari ugu dhintay Magaalada muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada Dalka Koonfur Afrika .

Allah U naxariiste muwaadinka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Shariif, isagoona ka mid ahaa dhalin yarada Soomaalida ah ee dalkaasi ka ganacsada.

Geerida marxuumka ayaana sababtay kadib markii gaari uu la socday uu ku dhacay gaari kale , oo xawaare ku socday.

Si kastaba Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa muddooyinkii u danbeyay ku soo badanayay Shilalka iyo Dilalka, kuwaas oo ay wax yeelo ka soo gaareysay Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this