Sign in to follow this  
Deeq A.

Keenya Oo Kala Garan La’ Faraqa U Dhexeeya Soomaaliya Maanta iyo Toban Sano Ka Hor

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210129_232706182.jpg?resiRag isguraaye: Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Keenya iyo Soomaaliya xiriirkoodu wuu sii xumaanayay tan iyo markii Jubaland martigelisay shirkii lagu unkay Golihii Iskaashiga Maamul Federaaleedyada sanadkii 2018kii. Keenya waxay hadda ku dooddaa inay urur argagixiso ah ka saartay Kismaayo 2012kii. Sanadkii 2011kii ayay Keenya ciidankeedu Soomaaliya soo galeen. Maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay farogelinta Keenya mid “ay danteeda qaran ku ilaashanayso”. Dal marka uusan dhulkiisa ilaashan karin wuxuu u nuglaadaa farogelinno kala duwan. Waa marka dalkaagu hoy u noqdo koox gabbaad siisa ururro argagixiso ah.

Keenya ma aha dal Soomaaliya saameyn siyaasadeed ku lahaa intii burburka ba’ani Soomaaliya ka socday. Waa dal Soomaali badani u qaxday, oo ugu nooshahay si nabadgelyo ah. Dhankaas marka la eego abaal derisnimo bay Soomaalidu u haysaa dalka iyo dadka Keenya. Waxa Soomaaliya iyo Keenya dhex yaalla waxa ugu daran maqnaanshaha ku tiirsanaanta taariikhda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Waa iin diblomaasiyadeed oo ay Keenya aad uga warhayso.

PhotoCollage_20210129_232523693.jpg?resiMengistu (bidix) wuu ku hungoobay heshiiskii difaac uu la saxiixday Daniel Arap Moi (midig).

Sanadkii 1980kii Madaxweynihii Itoobiya Mengistu Xayle Maryam iyo Madaxweynihii Keenya Daniel Arap Moi waxay kala saxiixdeen heshiis difaac wadajir ah ka dhan ahaa Soomaaliya. Dowladihii Galbeedka, oo gacansaarka la lahaa Keenya, way la yaabeen heshiiska liddi ku ah dal ku jiray xeyndaabka Galbeedka xilli dagaalkii qaboobaa uu socday. Madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ayaa khudbad ka jeediyay isu soo bax. Wuxuu barbardhigay heshiiska labada dal ololihii Hitler ku doonayay ciribtirka Yuhuuda (Final Solution). Dhowr toddobaad kaddib waxaa Muqdisho booqasho ku yimid wafdi wasiirro ahaa oo uu hoggaaminayay Ole Tipis. Kulammo dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo wafdigii Keenya kaddib, xiriirka labada dal wuu hagaagay. Heshiiskii difaaca uu Mengistu u arkayay salka isbahaysi cusub muu hirgalin.

IMG-20210130-WA0000.jpg?resize=828%2C897Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre si fudud ayuu u kala fogeeyay Mengistu iyo Moi markuu dhaleeceeyay heshiis lid ku ahaa Soomaaliya oo Keenya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen 1980kii.

Inkastoo Keenya wax ka soo abaabushay oo martigelisay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida oo dowladdii uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayay ka soo baxday, madaxdii dowladdaas marnaba uma nuglaanin cadaadisyo dadban oo ay Nayroobi ku doonaysay in heshiis is-afgarad oo badda ku saabsan lala galo. Dowladdii uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed hoggaaminayay ayaa si fudud loogu qanciyay heshiis maanta sal u ah doodda Keenya si ay ugu guuleysato muranka soohdin badeedka.

Toban sano kaddib farogelintii militari ay Keenya ku samaysay Soomaaliya waxaa
Nayroobi ka dagi la’ awoodda Haramcad, Gorgor iyo Danab oo hor istaagi kara xoogag dowlado shisheeye u adeegsan karaan dano gaar ah. Keenya waa sida nin arkay kuray uu guulguuli jiray oo hadda gaashaanqaad turuqyo adadag leh oo tus ood ah ka boodi kara. Taa waxaa ka daran xilkasnimo-darrada hoggaanka Jubaland oo sanadkii hore Garoowe ka sheegay in Jubaland xaq u leedahay furashada xafiis wakiileed oo Nayroobi ku yaalla, soohdinta dheer oo ay Jubaland la wadaagto Keenya awgeed. Waxaa xigtay taageerada maamulka Jubaland u muujiyay warbixinta IGAD wax-kama-jiraan kaga soo qaadday dooddii dowladda federaalka in Keenya farogelin ku hayso arrimmaha Soomaaliy. Maalin ka hor soo bixista warbixinta IGAD, Midowga Afrika wuxuu ugu baaqay Soomaaliya iyo Keenya inay dhammeeyaan ismaandhaafka u dhexeeya iyo xasiloonidarrada soohdinta labada dal u dhexeysa ka taagan.

Waxaa xusid mudan in Puntland, oo la filayay inay iso soo dhoweyso dowladda federaalka iyo Jubaland, ay sii kala fogeysay kaddib markii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku baaqay in Ciidanka Xoogga Dalka laga soo saaro gobolka Gedo. Deni waa inuu ogsoonaado in waqtigu uusan ahayn sagaashamaadkii oo lagu tilmaami karay “labaatan jir intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa” hadduu sida uu u taliyay u talin lahaa xilligaas. Puntland waa maamul beelo samaysteen. In Deni la sixi waayo waa calaamad muujinaysa in reer Puntland ka sii fogaanayaan dhaqankii samo-ka-talinta. Nasiibwanaag ilaa hadda Puntland ma taageerin warbixinta IGAD.

Keenya dan uma aha inay u dhaqanto si halis ku ah qarannimada Soomaaliya. Koofi Annan iyo guddi uu hoggaaminayay ayaa dhexdhexaadiyay siyaasiyiintii huriyay colaadihii ka dhashay doorashadii 2008dii ka dhacday Keenya. Jubaland ma noqon karto midiidin Keenya u adeegsato wiiqidda qarannimada Soomaaliya. Soomaaliya waa inaysan gefefka maamulka Uhuru Kenyatta u arkin kuwo qeexi doona xiriirka labada dal. Maamul federaaleedyada uma roona inay barbar-yaacaan dowladda dhanka siyaasadda arrimmaha dibedda iyo maamulka kaabayaasha qaranka. Waa nasiibdarro in Keenya iyo maamul federaaleedyada qaarkood dhaadi la’ yihiin isbeddelka dhacay tan iyo 2011kii.

Liibaan Axmad

Libahm@gmail.com

The post Keenya Oo Kala Garan La’ Faraqa U Dhexeeya Soomaaliya Maanta iyo Toban Sano Ka Hor appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this