Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii James Swan iyo Deni?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud eee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jame Swan.

Kulanka oo ahaa mid hab maqal iyo muuqaal ah ayaa labada dhinac waxay uga wada-haleen xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray xal u helida tabashooyinka la xiriira doorashada dalka.

Swan ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka 2021-ka, isaga oo shalay kulan kan la mid ah la yeeshay Axmed Madoobe.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland oo weli diidan hannaanka ay doorashada ku wajaheyso dowladda Soomaaliya ayaan soo magacaaabin guddiyadooda doorashada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo uu waqtigu yahay mid gabagabo ah, balse beesha caalamka ayaa wada qorshe lagu qabanayo shirweyne kale.

141041082_1098924890521030_3005922728891 141114235_1098924830521036_3842246945362 141166971_1098924893854363_7785929795486 141560797_1098924837187702_4467787369405

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this