Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo ‘shir isugu keeneyso’ madaxda DF & kuwa dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya & safiirada dalalka caalamka u jooga magaalada Muqdisho ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo xal loogu raadinayo doorashooyinka dalka ee 2021.

Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay haatan ku howlan tahay sidii ay markale shir isugu keeni laheyd madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka jira dalka, si xal mideysan looga gaaro muranka weli ka taagan doorashada dalka.

James Swan oo hor-boodayo dadaalladan ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku gaaro xarumaha maamul goboleedyada, gaar ahaan magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa horey u tegay magaalada Baydhabo oo uu kulan kula soo yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo ku booriyey dadaallo wado ee ku aadan xal u helida doorashada.

Jubbaland & Puntland ayaa weli tabasho ka muujinayo hannaanka ay dowladda federaalka ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka, siiba gudiyada doorashada.

Xaaladda dalka ayaa haatan ah mid cakiran, iyada oo lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana waqtiga ka haray qabashada doorashada uu yahay mid aad yar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this