Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada Doorashada Ugaandha oo saacadaha soo socda la shaacinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Doorashooyinka Ugaandha ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ku dhawaaqaan cidda ku guuleysatay Doorashada khamiistii ka dhacday dalkaas.

Ku dhawaad saddex meelood labo codadkii la dhiibtay ayaa la tiriyay, madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ku horreeya codadka la tiriyay oo wuxuu helay boqolkiiba 62 halka Bobi Wine uu heysto boqolkiiba 30, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Ninka la tartamaya oo ah Robert Kyagulanyi, loona yaqaanno Bobi Wine uu sheegay in doorashada lagu shubtay, eedeymahaas oo ay iska fogeeyeen guddiga doorashooyinka.

Afahayeen u hadlay guddiga doorashada oo lagu magacaabo Don Wanyama wuxuu sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayaan in wax isdabamarin ay dhaceen.

Guddiga doorashada waxaa uu beeniyay eedda uu soo jeediyay Bobi Wine oo sidoo kale loo yaqaano Robert Kyagulanyi kaas oo ahaa heesaa caan ah isla markaana sheegtay in uu matalayo da’yarta reer Uganda.

Korjoogtada doorashada ee ka socota Midowga Afrika ama bulshada bariga Afrika midna kama hadal eedeymaha la soo jeediyay oo ah in ay jirto wax isdabo marin.

PUNTLAND POST

The post Natiijada Doorashada Ugaandha oo saacadaha soo socda la shaacinayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this