Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howl-gallo ka sameeyey jidka Balcad & Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay howl-gallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ka dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee maamulka HirShabelle.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in howl-galladan si gaar ah looga fuliyey deegaanada Gololey, Ceelka Geelow & Raaxoy oo dhammaan hoostaga gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan ay daba socdaan weerar dhabagal ah oo lagu qaaday ciidamada dowladda, xilli ay ku safrayeen wadadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya oo ku aadan howl-galkaasi.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya deegaanada maamulka HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this