Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo diiwaan-gelinta Codbixiyaasha ka wadda Dhahar iyo Xiingalool

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, oo haatan ku sugan magaalooyinka Dhahar iyo Xiingalool, ayaa halkaas ka wada Barnaamijka diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Mas’uuliyiintan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa Saraakiisha Ciidamada iyo Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday, in gacan laga siiyo samaynta diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland.

Sidoo kale, waxay sheegeen in aysan wadin wax dhibaato ku ah Bulshada Gobolka, balse keliya ay doonayaan in ay diiwaan-gelin ku sameeyaan dadka raba, in ay u codeeyaan Doorashooyinka Somaliland.

Somaliland waxay maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaq xooggan ka wadday degaanno badan oo ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwaas oo Puntland iyo Somaliland labaduba sheegtaan.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo diiwaan-gelinta Codbixiyaasha ka wadda Dhahar iyo Xiingalool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this