Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni “Mushaarka Shaqaalaha Dowlada 300% Ayaan kor u qaadney, Wasiirada Puntland USD 3000, Xildhibaanka USD2500 bishiiba

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo Caawa ka khudbeeyey Xaflada Xuska 8 Janaayo oo ahayd kolkuu Xilka qabtay ayaa sheegey in Labadii sano ee lasoo dhaafay ay Xukuumadiisu Sare u qaadey Dhaqaalaha Dalka.

Mushaarka Ciidamada Puntland ayuu sheegay in la sadex jabaaray, sidoo kale Mushaarka Shaqaalaha Dowlada, Wasiir ilaa Qofka dhulka dhaqa uu mushaarkooda Sare loo qaadey.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Mushaarka Wasiirka Puntland uu hada yahay 3000 Dollar, horay waxay Wasiiradu qaadan jireen 800 USD bishii , Xildhibaanku waxaa mushaarkooda la gaarsiiyey 2500 bishii.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in Mushaarka Ciidamada iyo tababarkooda aysan jirin cid ka caawisa Puntland marka laga reebo Ciidamada Bada iyo Ciidamada PSU oo ay caawimo dhaqaale uga helaan Dowladaha aan walaalaha nahay ee Maraykanka iyo Emaaraatka Carabta.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay oo kale in Adeega Buldhada Sare loo qaadey, meel wanaagsana uu marayo.

Kordhinta Mushaarka Shaqaalaha waxay qayb ka tahay la dagaalanka Musuqmaasuqa, waana mid lagu amaanay Puntland in Shaqaalaha Dowladu ay qaataan Mushaar ku filan.

Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in Canshuurta aan lamusuqmaasuqi karin, sababtoo ah waxaa la sameeyay Hab(System) Sitoosa ay wasaardu ula socota Canshuurta la qaadey isla xiliga la qaadey.

Madaxweyne Deni wuxuu Bulshada Puntland ugu baaqay in siwadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta Sharciga iyo Amaanka.

Puntlandi.com Garowe

The post Madaxweyne Deni “Mushaarka Shaqaalaha Dowlada 300% Ayaan kor u qaadney, Wasiirada Puntland USD 3000, Xildhibaanka USD2500 bishiiba appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this