Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo tababar u soo xirtay saraakiil Booliis ah+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay shalayto soo gaba-gabeeyeen tababar  muddo afar maalmood ah ugu socday Magaalada Muqdisho 160 saraakiil Boolis ah oo ka tirsan AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay  in saraakiisha Booliska ah ee ka socda dalka Uganda ay joogi doonaan Soomaaliya muddo hal Sano ah, iyagoo gacan ka geysan doona ilaalinta sharciga, kala dambeynta iyo sugidda nabad gelyada dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM Augustine Kailie , ayaa sheegay in saraakiishani ay sii fulin doonaan tababarro ,howlaha kormeerka iyo la talinta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Augustine Kailie, ayaa saraakiisha uu tababarku u dhammaaday u sheegay in ay Soomaaliya ujoogaan howlo nabad ilaalin ah, wuxuuna kula dardaarmay inay dhowraan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshada martida loo yahay.

Saraakiishan ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gacan ka geystaan howlaha sugidda ammaanka xilliga doorashada madaxtinimo oo dhowaan la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

police-ka-3.jpg police-ka-5.jpg Policeka-1.jpg policeka-2-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this