Deeq A. Posted January 8, 2021 Danjire Alya bint Ahmed Al Thani Wakiilka joogtada ah ee Qatar u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay sida ay u daneyneyso Dowladdeeda nabadgalyada Qaaradda Afrika, ilaalinta xuquuqda aadanaha & garabsiinta dalalka heerka hoose taagan. Alya Waxa ay caddeysay in uu jiro rabitaan xooggan oo guud ahaan caalamka si gaar ah qaaradda Afrika ay u daneyneyso Dowladda Qadar si ay ugu qayb qaadato aasaaska nabad waarta oo meesha ka saarta xaaladaha liita ee marwaliba laga soo sheegayo dalalka qaar. Haweeneydaan Qadar ku metasha Qaramada Midoobay oo ka qaybgashay kulan gaar ah oo looga hadlay Xaaladaha dalalka caalamka gaar ahaan dhinacyada amniga & bani aadamnimada oo la isaga xog wareystay sidii loo gacan qaban lahaa. Alya Bint Ahmed ayaa sheegtay in waddamada Afrika ee xiriirka wanaagsan kala dhaxeeya Qadar ay kamid tahay Soomaaliya oo ay ka gacansiineyso Taageero joogta ah, mashaariic qaarkood fulintooda socoto & kuwo horay qalinka loogu duugay balse u baahan ku dhaqaaqis. Saaxiibtimada Qadar ee Dalalka aan amni ahaan saldhigan waxaa kamid ah Soomaaliya, waxaana siinaa gargaar Bani aadamnimo, Mashaariicda horumarinta, fursadaha shaqo abuurka, lacag ku shubista sanduuqa Qaramada ee Nabadda, dib u heshiisiinta Soomaaliya, amniga & kaalmada maaliyadeed. Qadar oo todobaadkaan bog cusub la furatay dalalkii go’doomiyay waxa ay u mahadcelisay dalalkii mowqifka dhexdhexaadka ka qaatay & kuwii garab istaagga u sameeyay, waxaana ay sheegtay in door wanaagsan oo abaalmarin u noqonaya dalalkaas in ay sameyneyso. Diyaaradaha Qadar ayaa markii hawada ay u diideen dalalka xiriirka u jaray toos u isticmaalay tan Soomaaliya, waxa ay taasi sii xoojisay xiriirka diblumaasi ee ka dhaxeeya Xukuumadaha Dooxa & Muqdisho oo markii dambe gaaray in ay u ballanqaado mashaariic keliya laga fuliyay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye. View the full article Share this post Link to post Share on other sites