Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxaa wafdigan garoonka diyaaradaha degmada Waajid ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarka wasiirka cadaaladda uu ku tegay degmada Waajid ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladaha guud ee bulshada deegaanka.

Sidoo kale inta uu ku sugan degmada Waajid ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta maamulka degmada Waajid iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu wadaa in mashaariic horumarineed oo ay fulineyso dowladda dhexe uu ka dhagax-dhigo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this