Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar Internet-ka ah oo lagu qaaday Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee dowladda Mareykanka ayaa shalay sheegtay, in ay u badantahay in Ruushka uu ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada wasaarado ka tirsan Mareykanka.

Weeraradaasi ayaa laga warhelay bishi lasoo dhaafay. Meelaha lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Wasaaeadaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Tamarta iyo sidoo kale shirkado gaar loo leeyahay.

Warkaan kasoo baxay Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in wali ay wadaan baaritaanno lagu xaqiijinayo suurtagalnimanada hey’ado kale oo ay burcaddani weerareen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka weerarka uu u muuqdo mid lagu raadinayay xogo dhanka mukhaabaraadka ah, balse aysan muuqan mid kharbudaad ah lagu rabay.

Madaxweyne Trump ayaa weersrkaasi horay ugu eedeeyay dowladda Shiinaha.

PUNTLAND POST

The post Ruushka oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar Internet-ka ah oo lagu qaaday Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this