Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax dhimasho sababay oo Goordheyd ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax dhimasho sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
qarax.jpg

Qaraxan oo loo adeegsaday miino waddada dhinaceeda la dhigay ayaa lala eegtay gaadhi uu lahaa Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali.

Inta la xaqiijinayo hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxan oo gaar ahaan ka dhacay waddada 21 October ee degmada Waaberi.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in ay jiraan dhaawacyo soo gaadhay dad ka ag dhawaa halka qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada noocan ah ee lagu bartilmaameedsado mas’uuliyiinta dowladda ayaa ku badan magaalada Muqdisho iyadoo wax-yeelada ugu badanna ay ka soo gaadhto dadka rayidka ah ee ka dhaw halka uu qaraxu ka dhaco.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this