Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay Xafiiska Turkigu ka furtay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaarada Turkiga ee Soomaaliya joogta ayaa Xafiis ka furatay Caadimada Puntland ee Garowe, Xafiiskasoo ah Waaxda Adeega Caafimaadka ee Turkiga oo loo yaqaan Voya Health.

Voya Health waa waax ka mida Safaaradaha Turkiga ee Wadamada soo koraya ama Colaada hagratay Sida Soomaaliya, Walow lagu xanto in Xafiiskaan uu Dowlada Turkiga u qabto Adeegyo Qarsoon.

Xafiiska Voya Health ee Laga furay Garowe Shaqadiisa waxaa lagu sheegey fududeynta Adeegyada Caafimaad ee loo aado Turkiga, Waxaa iyana Xafiisku uu wakiil u yahay Shirkadaha Ganacsiga Adeega Caafimaadka, sida Dhakhaatiirta lacagta ah ee loo aado Turkiga.

Sida lawada ogyahay Turkigu wuxuu Muqdisho ku leeyahay Xarumo Caafimaad oo ganacsi, Sida Isbitaalkii Qaranka ee Digfeer oo hada loo badalay Isbitaal bukaanka lagu daweeyo Lacag, Ma jidho goob ku taal Soomaaliya oo Turkigu uu Lacag la’aan ku daweeyo Bulshada Soomaaliyeed, Waxaana lagu qiyaasay Lacagta Turkigu ka sameeyo Soomaaliya Malaayiin Dollar.

Xafiiskaan Cusub ee Turkigu ka furtay Puntland waa mid ay Ganacsatada Turkigu u arkaan Puntland iney noqon doonto suuq ganacsi oo cusub oo ay ka saneyn karaan Malaayiin Dollar,

Dad badan baa aaminsan in goobtii lagu arko Calanka Turkiga iney tahay goob Turkigu ku taakulaynayo Bulshada, laakiin Xaqiiqda ku qarsoon waa ganacsi ay Turkigu ka sameynayaan Malaayiin Dollar oo toos loogu qaadayo Dalka Turkiga.

Waatan goobta uu Turkigu ka furtay Puntland

CC4D41CF-E247-4727-89BD-D4C784F0261C-800 62CC038C-978F-4209-A786-45E7D551AE15-800 212F94CF-6456-4A07-8191-90FD1363ABB1-800

The post Muxuu yahay Xafiiska Turkigu ka furtay Puntland appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this