Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Qarax uu ka badbaaday afhayeenka booliska oo caawa ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoog leh caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi.

Qaraxaas ayaa lala beegsaday gaariga afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe, xilli uu mararyey wadada 21-ka October, gaar ahaan agagaarka isgoyska Afisyooni.

Afhayeenka ayaa la sheegay in uusan la socon gaarigiisa markii qaraxa lala beegsaday, waxaana la soo werinayaa khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof shacab ah oo wadada marayey uu ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo kale oo aan illaa hadda si rasmi ah loo ogaan inta ay dhanyihiin.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa wadada, welina wax faahfaahin ah laamaha ammaanku qaraxaas kama bixin.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this