Deeq A. Posted January 5, 2021 Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa maanta oo Talaado ah xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan. Qoraal kooban oo Ra’iisul wasaare ku xigeenku soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in uu xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, islamarkaana labada mas’uul kulan ka yeesheen Arrimaha Siyaasadeed ee dalka. Mahdi Guuleed, wuxu sheegay in isaga iyo Amb. James Swan ay ka wada-hadleen Arrimaah Hortebinta u leh dalka gaar ahaanna xallinta muranka Doorashada 2021 taas oo ay ku muransan yihiin dowladda Federaalka iyo Saamileyda kale ee siyaadda waddanka. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Mahdi Guuleed iyo James Swan? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites