Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen MW Qoor Qoor & James Swan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliyakula kulmay danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada-hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray sida dadaalada loogu jiro habsami u socodka arrimaha doorashooyinka iyo xalinta tabashooyinka ka jira.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Qoor Qoor oo Garoowe ka soo laabtay ayaa dadaal xoogan ugu jiro sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa dowladda dhexe iyo musharraxiinta mucaaradka oo isku hayo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo markale dib uga sii dhacaya waqtiga loo asteeyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this