Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney loo soo Magacaabay Danjiraha  UK u fadhiyi doona Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney loo soo Magacaabay Danjiraha  UK u fadhiyi doona Somalia

 kate.jpg

Britain ayaa Soomaaliya u soo magacowday Safiir cusub, kaasoo bedeli doona Safiirkeedii hore ee dalka danjire Ben Fender oo xiligiisu dhamaaday.

Haweenay lagu magacaabo Kate Foster ayaa loo soo magacaabay danjiraha cusub ee Somalia taasoo si rasmi uga howlgeli doonta dalka marka ay xilka la wareegto.

Qoraal kasoo baxay dowladda Britain ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in horaanta bisha labaad ee sanadkan cusub danjire Ben Fender loo wareejin doono xil kale.

Ben Fender oo xilka danjiraha Somalia loo soo magacaabay 30-kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2019-ka ayaa muddo ku dhow labo sanno ka howlgalayey dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this