Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsato Danyar Ah Oo Ka Qaylisay Cabasho Ay Ka Qabaan Dad Gaar Ah Oo Kooto Loogu Xidhayo Muuska Ka Yimadda Itoobiya Iyo Farriin Ay Direen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dadka danyarta ah eek a ganacsada Khudaarta gaar ahaan Muuska ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa ay ka qaylinayaan dad gaar ah oo dhinac ku haya Awood dawladeed oo ay sheegeen in kooto loogu xidhayo waxaana arrintaasi sidoo kale ka qayliyay xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo Madaxweynaha ugu baaqay in uu degdeg uga hadlo ama u soo fara galiyo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland lagana soo doorto Gobolka Maroodi Jeex ayaa waxa uu sheegay in Madaxtooyada looga baahan yahay in ay wax ka qabato cabashada dadka Muuska ka ganacsada ee la doonayo in laga dhaxal wareejiyo ganacsigoodaasi oo ay dad gaar ahi kooto ku qaataan.

Toddobaadkan ayey ahayd markii dadweynaha ka Ganacsada Muus-ka ay cabasho ka muujiyeen shirkad loo nisbaynayo qaar ka mid ah Madaxweynaha qoyskiisa, taas oo kooto loogu xidhayo ka ganacsiga soo dejinta Muuska sida ay dadkaasi ku doodeen,“Hal nin ayaa doonaya inta uu Itoobiya ka keeno inuu Hargeysa ku tafariiqeeyo uu xabbad xabad, Tugaan Tugaan ugu dhigo, marka Wajaale la keeno, halkaas ayaan ka soo iibsan jirnay gaadhi ayaanu ku soo qaadi jirnay Hargeysa marka aanu keeno dumarka ayaa la wareegi jiray, waxaanay ku sii wareejin jireen oo ay ka iibin jiraan iyana islaamaha kaaryoonada ku dul iibiyay ee tafaariiqeeya ,balse hadda waxayagiiba meesha ayaa nalaga saaray ilaa karyoonkii xamaalayey”ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah dadkan cabanayay oo warbaahinta la hadlay.

Waxaanay intaas ku dareen: “Madaxweyne Boqolaal kun oo qof ayaa waxa ka sii daba cunna qaar ayaa inta ay huursadaa ka dhulka ku dhaca cunna miyaad ka war haysaa adigu, naga joojiya raggan nagu soo duulay, waxay damceen xataa in xamaalkii meesha ka baxo Itoobiyaanka Itoobiya ka keena ayaa meheraddii u dhigaya ee Madaxweyne hoos noo eeg oo naga joojiyey.”ayey sheegeen

Geesta kalena Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo arrintaas ka hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dadkii dan yarta ahaa ee u baahnaa gacan qabashada ee Muuska ka gacansan jiray in saaxadda laga saaro oo kooto loogu xidhayo shirkadda dhawaan la curiyey ee loo nisbaynayo xubnaha ay Madaxweynaha xigto iyo ehel dhaw yihiin.

Dhanka kalene Xildhibaan Nac-nac ayaa isna arrintaas ka hadlay waxaanu sheegay in golaha Wakiillada la horgeyn doonna cabashada ganacsatada Muuska“ Dadkaa masaakiinta ah waan ka naxay ee suuqa Gobanimo ka ganacsada muuska yar ka ganacsada ayaa shirkada kooto loogu xidhay,waxaan leeyahay waa la inagu caddaabayaa taas oo kale ha loo daayo, haddii kale meel dheer ayaa la inaga dooni doonaa.” Ayuu yidhi

Waxaanu intaas ku sii daray: “Madaxweyneha waxaan leehaya Madaxweyne Suuqaa Gobanimo si gaar ah u eeg dadka masaakiinta ah ee muuska ku iibinayey ee carruuro ku biilnayey ee iskuulo kaga saaray qaar ee agoomaha baddani ku nool yihiin faraha ha laga qaado ayaanu leenahay ,shirkad iyo qof kooto loogu xidho waa xaaraan waa xaraan ha loo daayo sidii hore.” ayuu yidhi xildhibaan Nacnac.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this