Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo soo bandhigay raggii weeraray Saldhigga Manda Bay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal ku saabsan weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya.

Baahinta muuqaalkan ayaa waxaa lagu soo beegay sanad kaddib weerarkaas, waxaana ka soo muuqanaya shan dagaalame oo weerarkaas fuliyay, kana tirsanaa Al-Shabaab.

Saddex ka mid ah ragga weerarka fuliyey waxay u kala dhasheen Yemen, Itoobiya & Tanzania, halka labada kale ay ahaayeen Soomaali ka soo jeeda Baiyo Bakool.

Magacyada ragga weerarka fuliyay:-

Abubakar Al-Muhajir, wuxuu u dhashay dalka Tanzania, wuxuu islaamay sanadkii 1436, isagoo ku biray Alshabaab.

Cali Maxamed Cali, waa Itoobiyaan kasoo jeeda Qabiilka Burj, wuxuuse ku dhashay, kuna barbaaray agaalada Nairobi.

Bidix: Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) wuxuu kasoo jeedaa Gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna ahaa taliye ku xigeenkii kooxda weerarka fulisay.
Midig: Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari) wuxuu kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool.

Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir) hoggaamiyihii kooxda oo u dhashay dalka Yemen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this