Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor iyo Khayre oo kulan gaar ah ka yeeshay muranka Arrimaha Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay hoyga uu ka daganyahay magaalada Garoowe ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qoor Qoor iyo Khayre oo kulan gaar ah yeeshay, waxay ka wada-hadleen Arrimaha Doorashada 2021, gaar ahaanna khilaafka ka aloosan Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransanyahay.

Ex. Ra’iisul wasaare Khayre oo u sharraxan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ee Doorashada 2021, waxa uu Madaxweyne Qoor Qoor uga mahad-celiyay kaalintiisa ku aaddan xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashada.

Kulankan wuxu ku soo beegmay, xilli Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay wadaan dadaal ku wajahan xal u helidda muranka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo saamileyda kale oo ku saabsan Arrimaha Doorashada.

PUNTLAND POST

The post Qoor Qoor iyo Khayre oo kulan gaar ah ka yeeshay muranka Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this