Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska DANAB oo war ka soo saaray hawlgal ay ku burburiyeen xarumo Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, ayaa war ka soo saaray hawlgal qorshaysan oo ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen degaanno ka tirsan Gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan DANAB ayaa sheegay in xarumo kala duwan oo Al-shabaab leeyihiin lagu burburiyay hawlgalka oo ka dhacay Buur Heybe, jiira Koolow, Durdurow, Saaxweyn iyo Yaaq-doomaar oo dhammaantood ka tirsan degmada Buurhakaba.

Sidoo kale  Saraakiishu waxay asheegeen in howlgalkaas ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, mootooyin ay isticmaali jireen iyo agab ciidan, kaddib markii ay isaga baxeen degaanada howlgalka laga sameeyay.

Waxaa xusid mudan, in Taliska DANAB aysan soo bandhigin wax caddayn ah, oo muujinaya xarumaha Al-shabaab laga dumiyay iyo xubnaha la qabtay midna.

PUNTLAND POST

The post Taliska DANAB oo war ka soo saaray hawlgal ay ku burburiyeen xarumo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this