Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo QM u gudbineyso qorshe lagula dirirayo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya waxaa maanta u bilawday muddo labo sano ah oo kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ay ku metaleyso Bariga Afrika, kadib markii Bishii June 2020 ay ka guuleysatay Dhiggeeda Jabuuti.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in Xukuumadda Nairobi yoolkeedu yahay muddada labada sano ah in ay ka shaqeyso sidii Al-Shabaab loogu dari lahaa liiska waxa loogu yeero Argagixisada ee Qaramada Midoobay.

Ujeedka Kenya ay ka leedahay in Al-Shabaab loo diiwaangeliyo liiskaas ayaa ah sidii ay u heli lahayd taageero caalami ah, iyada oo qiil ka dhiganeysa weerarada gudaha dalkeeda ay ka geystaan.

Wakaaladda wararka Kenya ayaa daabacday in xukuumadda Uhuru Kenyatta ay daneyneyso in Golaha Ammaanka ay u bandhigto damaceeda, inta uusan ka dhammaan muddo xileedka maanta u bilawday ee labada sano ah.

Kenya oo doorasho u gashay kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ayaa heshay 2021 iyo 2022, waxaana ay leedahay soo jeedin loo bandhigayo 5-Dal ee joogtada ah ee kala ah: Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Faransiiska & Ingiriiska.

Dowladda Kenya waxa ay garab siman la noqoneysa 9-Dal oo kale oo kala ah: Estonia, India, Ireland, Mexico, Niger, Norway, Saint Vincent and the Grenadines, Tunisia & Vietnam

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this