Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Shaacisay Magacyada Saraakiil Ka Tirsanaa TPLF Oo La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis ababa)-Wasaraadda difaaca dowladda Federaalka Itoobiya ayaa soo saartay Liis ay ku qoran yihiin Saraakiil ka tirsanaa TPLF oo ay sheegeen inay ku dileen dagaalka gobalka Tigree-ga ee waqooyiga Itoobiya .

Taliyaha howlgalada Ciidanka Itoobiya Brig. Generaal Tesfaye Ayalew, ayaa sheegay in madax iyo ciidan badan oo ka tirsan TPLF ay is dhiibeen, balse kuwii diiday in ay is dhiibaan la burburiyay oo cagta la mariyay.

Saraakiisha la dilay ee ka tirsanaa TPLF waxa Wasaaradu ku sheegtay in ay yihiin

1-Col. Yemane Gebremichael

2-Col. Alem Gebremedhin

3-Col. Biniam Gebremedhin

4-Col. Ambaye

5-Col. Masho

6-Col. Yirga Seyoum

7-Col. Hadush

8-Col. Atsebha

9-Col. Tesfaye Gebremedhin

10-Col. Yohannes Kalayou

11-Col. Tekleggziabher

12-Lt Col. Berhane

Sidoo kale waxaa Taliyaha howlgalka ciidanka Itoobiya uu sheegay in ay qabteen oo nolol ay ku hayaan Mulu Gebregziabher  oo ah Wasiiru dowlihii hore Itoobiya ee gaadiidka.

Brig. General Tesfaye wuxuu tilmaamay in ay ku raad joogaan madaxda iyo saraakiisha kale oo TPLF oo uu sheegay in ay ku dhuumanayaan goobaha cibaadada iyo godad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this