Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo duqayn xooggan ka fuliyay Gobolka Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka, ayaa xalay duqayn xooggan ka fuliyay degaanka Kuunya-Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Duqayntaas waxa lala beegsaday, xarun warbaahineed oo Al-shabaab degaanka ku lahaayen, taas oo gebi ahaanba burburtay, sida laga soo xigtay Bulshada ku nool Kuunya-Barrow.

Maraynkanka iyo Al-shabaab, midkoodna weli kama hadlin duqaynta lagu burburiyay xaruntii Idaacadda Al-shabaab ee tuulada Kuunya-Barrow ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Duqayntan waxay noqonaysa tii u horraysay oo sannadkan cusub ee 2021 Ciidamada Maraykanku ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ku beegsadaan Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo duqayn xooggan ka fuliyay Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this