Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Puntland casho sharaf u sameysay martidii shirkii Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni,ayaa xalay Casho sharaf u sameeyay Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo Garowe kaga qeyb galay doodaha aragti-wadaaga ee Machadka Heritage.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Madaxweynaha Puntland Mudane Sicidi Cabdullaahi Deni ayaa sheegay  in doodaha aragti-wadaaga ee Machadka Heritage uu kusoo aaday marxalad loo baahnaa in madaxda Soomaaliyeed ay isu yimaadaan oo fursad ay kuwada hadlaan oo wax ku rogrogaan ay helaan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

135565838_1086525738427612_4836771953985 134053433_1086525298427656_8910862483031 134290607_1086525231760996_2207922670444 134633712_1086528008427385_1305419719796 134709000_1086525358427650_3723895435193 134716663_1086526341760885_1072523546706 135479662_1086525038427682_8732048025475

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this