Deeq A. Posted January 2, 2021 Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa xalay kulan kula yeeshay Garoowe ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Khayre ka dagan yahay magaaladaasi ayaa ahaa mid is xog-wareysi ah, waxaana ay uga wada-hadleen marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro. Sidoo kale labada mas’uul ayaa kulankooda diirada ku saaray arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan muranka ka taagan hanaanka doorashada 2021-ka. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo Musharrax Khayre ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirka madasha aragti wadaaga ee uu soo qaban qaabiyey Machadka Heritage. View the full article Share this post Link to post Share on other sites