Deeq A. Posted January 2, 2021 Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah wadada xiriirisa labada magaallo ee Muqdisho iyo Afgooye. Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay Injineerada dhismaha ka wada wadadaasi iyo ciidamada ammaanka ee ku sugan halkkaasi. Khasaare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay qaraxan, balse ma cadda weli inta uu gaarsiisan yahay, waxaana haatan socda gurmad deg deg ah. Faah faahinta kala soco: radioshabelle.com View the full article Share this post Link to post Share on other sites